MARAYKANKA OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-DIBADBAX.
(EGYPT)-Ka dib markii ey booqdeen Marinka Gaza subaxnimadii Sabtida, isaga oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) Brad Cooper, Ergeyga Maraykanka Steve Witkoff ayaa istaagay fagaaraha lagu haysto ee bartamaha Tel Aviv isaga oo hor istaagay kumanaan Israa’iiliyiin ah.
DIBADBAXA NABADDA:
Ergayga Mareykanka ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu ku sheegay in kulankaan uu yahay mid nabadeed, isagoo u rajeeyay in Madaxweyne Donald Trump uu la joogo. Waxa uu intaa ku daray in nabadda Bariga Dhexe aysan macquul ahayn, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta ey ka ciyaareen heshiiska Gaza. Wuxuu kaloo rumeysan yahay in Trump uu caalamka tusay in awoodda iyo nabadda ey isku xiran yihiin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Mareykanka uu caddeeyay in hoggaanka geesinimada leh uu wax ka beddeli karo adduunka. Witkoff ayaa sheegay in Trump uu yahay Madaxweynihii ugu weynaa taariikhda Mareykanka, isagoo muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo Madaxweynaha nabadda Bariga Dhexe. Markii uu Witkov ka hadlay Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Israa'iiliyiintu way ku ooyeen. Dhankiisa, Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku nuux-nuux saday in soo celinta la haystayaasha ey ahayd mudnaanta koowaad ee maamulka Mareykanka muddo dheer. Waxa uu sharraxay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu door muhiim ah ku lahaa wada xaajoodka, isagoo xusay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si kasta oo awood leh uga hortagay heshiiskii aan macquul ahayn ee Gaza.
HUBINTA KA BIXITAANKA ISRA’IIL:
Waxaa xusid mudan in Ergayga Mareykanka Steve Witkoff iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee CENTCOM Brad Cooper ey gaareen Marinka Gaza subaxnimadii Sabtida. Raadiyaha ciidamada Isra’iil ayaa ku dhawaaqay in ergayga Mareykanka uu booqday goob ciidan oo ku taal marinka Gaza, sida ey sheegtay Fox News. Waxa ey sidoo kale intaasi ku dartay in socdaalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo in ciidamada Israa’iil ey dhab ahaantii ka baxeen khadka Jaallaha, taasoo qeyb ka ah heshiiska iyo qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Waxay sharraxday in booqashadu ey dhacday ka dib bixitaanka ciidanka Israa'iil taasoo ah, shalay ama maanta oo ey labadooduba dib ugu noqdeen Isra’iil.
XIGASHO-AA.