XAMAAS IYO ISRA’IIL OO IS DHAAFSADAY LIISASKA MAXAABIISTA.

(SAWIRKA)-MAXAABIIS REER ISRA’IIL AH.

(SHARMA-ELSHEEKH/EGYPT)-Daahir AL-nuuno, oo ah la Taliyaha dhanka Warbaahinta ee Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqa iyo Israa'iil ey is dhaafsanayaan, iyagoo sii marsiiyey dhex dhexaadiyeyaasha, liisaska Maxaabiista la sii deynaayo, iyadoo la raacayo shuruudaha iyo tirooyinka lagu heshiiyey ee qaybta ka ah heshiiska Xabbad Joojinta ee Marinka Gaza. AL-Nuunu waxa uu yiri “Maanta waxa la is waydaarsaday liisaska Maxaabiista la sii deyn doono iyada oo la raacayo shuruudaha iyo tirada lagu heshiiyey. Ma uusan cadeyn tirada saxda ah ee dadka ey Xarakadu dalbanayaan in la sii daayo. Isagoo ka hadlayay Sharma EL-Sheekh, AL-Nunu ayaa sheegay in dhexdhexaadiyayaashu ey dadaal weyn ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhaqangelinta Xabbad Joojinta, isagoo intaas ku daray in "Rajo wanaagsan ey ku dhex faafeyso qof walba." La taliyaha warbaahinta ayaa xusay in wafdiga Xamaas ey muujiyeen "wanaagga iyo mas'uuliyadda lagama maarmaanka ah si loo gaaro horumarka loo baahan yahay iyo dhameystirka heshiiska." Sidan oo kale, ergada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ayaa arbacada maanta ah gaaray magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar si ey uga qeybgalaan wada xaajoodyada socda ee la xiriira sii deynta la haystayaasha iyo xabbad joojinta Gaza, sida uu sheegay weriyaha Axios Barak Ravid. Booqashadan ayaa daba socota kulan uu Trump kula yeeshay kooxdiisa Amniga Qaranka Washington fiidnimadii Talaadada si ey uga wada hadlaan horumarka laga gaaray wada xaajoodyada la xiriira heshiiska Gaza ka hor inta eysan ergadiisu u dhoofin Masar. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shirarka ka dhacaya magaalada Sharma EL-Sheekh ey goobjoog ka noqon doonaan la tashiyo heer sare ah oo dhexmari doona dhexdhexaadiyeyaasha gobolka iyo wakiilada dhinacyada ey khuseyso. Israa’iil iyo Xamaas ayaa Isniintii shalay wadahadal uga billaabay magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar, ka dib markii Xamaas ey ogolaatay in la sii daayo Maxaabiista, si loogu beddelo Maxaabiista Falastiiniyiinta, taasoo qayb ka ah qorshe ka kooban 20 qodob oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka. Xamaas waxa ey ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo dammaanad qaadka in heshiis kasta oo la gaaro uu horseedi doono in si dhab ah loo soo afjaro dagaalka, kaas oo sababay burbur baaxad leh marinka Gaza iyo masiibo bini’aadantinimo. Madaxa wada xaajoodka dhaqdhaqaaqa, Khaliil AL-Xayya, oo ka badbaaday isku day dil oo ey diyaaradaha Israa'iil la beegsadeen caasimadda Qatar ee Dooxa bishii Sebtembar, ayaa sheegay in Xamaas "Ey ka rabaan dammaanad Madaxweyne Trump iyo dalalka kafaala qaadaya in dagaalku uu soo afjarmi doono mar iyo dhammaan." Dhankiisa, Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay qorshahan, isagoo caddeeyay in laga gaarayo hadafyada Isra’iil ee dagaalka. Cadaadiska caalamiga ah ayaa isa soo taraya si loo soo afjaro dagaalka iyadoo Israa’iil ey sii wado ololaheeda militari ee aan kala joogsiga lahayn oo ey ka wado Marinka Gaza, taasoo yaraynaysa go’aanka burburka, waxaana ku dhintay tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, waxayna sababtay masiibo bini'aadantinimo oo ba'an taasoo keentay in Qaramada Midoobay ey ku dhawaaqdo macaluul gaar ahaan Waqooyiga. Bishii hore, guddi Madax-bannaan oo Qaramada Midoobay u xilsaartay baaritaanka ayaa ku eedeeyay Israa’iil iney xasuuq ka geysatay Gaza.

XIGASHO-AL-CARABIYA.


Next
Next

DALKA URDUN OO XUKUNO KALA DUWAN KU RIDAY RAG KA TIRSAN…