XILDHIBAAN HORE OO LAGU DILAY DALKA URDUN.

(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.

(AMMAN)-Xildhibaan hore oo laga soo doortay dalka Urdun Dr. Musa Cumeyr Xasan Abu Sweylam iyo wiilkiisa Ayman oo ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka dalkaasi ayaa la dilay fiidnimadii Talaadada maanta ah ka dib markii lagu toogtay deegaanka Abu Nuseyr ee Waqooyiga caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Xaaskiisa ayaa ku jirtay xaalad lagu tilmaamay mid halis ah. Afhayeenka Hay’adda Nabad Suggida, G/Sare Caamir AL-Sardhaawi, ayaa sheegay in caawa fiidkii la helay warbixin ku saabsan nin rasaas ku furay Xildhibaanka hore, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka, taasoo keentay dhimashada aabaha iyo wiilka iyo dhaawaca xaaska. Waxaa loo qaaday Isbitaalka Jaamacadda Urdun, balse Xildhibaankii hore iyo wiil uu dhalay ayaa goobta gaaray isyagoo meyd ah. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in isla markiiba la aqoonsaday ninkii toogashada geystay markii warbixinta la helay. Waxa uu noqday qof ey qaraabo yihiin dadkii la xasuuqay (oo uu adeer u ahaa xildhibaankii hore). Wuu isdhiibay, qorigii loo adeegsadayna waa la qabtay. Baaritaano ayaa socda. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Axmed AL-Safaadi, ayaa tacsi u diray Marxuum Ex Xildhibaan, Muuse Abu Suwaylam, isagoo ka tacsiyadeeyay, isla markaana dib u xusuustay wanaaggiisii, waddaniyaddiisa, iyo waxqabadkiisii ​​Baarlamaannimo, sharci-dejineed, iyo kormeerid intii uu ku jiray Baarlamaanka 17aad. AL-Safaadi oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xubnaha Golaha Shacabka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

70-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU SOO GAARAY YEMEN.

Next
Next

CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILAACAY GOBOLKA DAARFUUR.