70-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU SOO GAARAY YEMEN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.
(SHABWAH/YEMEN)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Shabwa ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Booliska Gobolka Shabwa ey sheegeen in ey soo gaartay iyadoo bed qabta dooni siday 70 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku wajahan xeebta Radhuum, kuwaasoo ka yimid Gobolka Geeska Afrika. War qoraal ah oo uu soo saaray Booliska Gobolka Shabwa ayuu ku micneysay in doonida oo ey wadeen afar qof oo Soomaali ah kuwaaso tahriibayaasha ku daadiyey Xeebta AL- Cayn halka loo yaqaano Nashima, iyadoo Boolisku uu xusay in ciidamada ammaanku ey billaabeen iney tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah. Xeebaha Gobolka Shabwa, gaar ahaan Xeebaha Radhuum, AL-Ceyn, iyo AL Nashima, ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ey ka soo galaan dadka sida sharci darrada ah uga imaanaya dalalka Geeska Afrika ee u soo gudbaayo dalka Yemen. Sida muuqata Doontaan keentay Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ayaa laga yaabaa iney ka soo baxday Xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Dawlad Goboleedka Puntland ama Xeebaha dalka Jabuuti. Dalka Yemen waxa uu ka mid yahay wadamada Carbeed ey saameysay dhibaatada dawlad la’aanta muddo dhan ilaa 15-sano oo xiriir ka dib markii la dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen AUN-Cali Cabdalla Saalax,talada dalka ey la wareegeen kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta iyo Xukuumadda caalamku aqoonsa yahay ee fadhigeedu yahay Cadan, in kastoo ey jiraan kooxo weli doonaayo in dhistaan dawlad ey iska leeyihiin dadka reer Koofureed dalka Yemen.
ISHA-Q28.