CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILAACAY GOBOLKA DAARFUUR.
(SAWIRKA)-DAARFUUR.
(DARFUR)-Guddiga isku xirka dadka iyo Qaxootiga ee Darfur ayaa ku dhawaaqay isniinta maanta ah in la diiwaan geliyay 217 xaaladood oo Daacuun cusub ah iyo sagaal dhimasho ah, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee kiisaska Daacuunka tan iyo markii uu dillaacay 8,173, oo ey ku jiraan 346 dhimasho ah. Guddiga isku xirka ayaa sharaxay in cudurkan uu si gaar ah ugu baahay Tawila, Jebel Marrah, Zalinjay, Nyala, iyo xerooyinka barakaca, halkaasoo heerar caabuq oo aan horay loo arag laga diiwaan geliyay. Dhawiilah oo keli ah ayaa diiwaangelisay in ka badan 4,700 oo caabuq ah iyo 76 dhimasho ah, halka Jebel Marrah lagu arkay in ka badan 1,200 caabuq iyo 51 dhimasho ah, marka lagu daro daraasiin kiisas ah oo ka dhacay xeryaha Sortoni, Kalma, Cadhaash, Dureej, iyo Xamidiyah. Meelaha kale ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyay heerar kala duwan, oo ey ku jiraan AL-Rubiyah oo leh 264 xaaladood iyo 15 dhimasho ah, Khazaana Jadiidah ee Bariga Darfur oo leh 91 xaaladood iyo 18 dhimasho ah, iyo Azuum, galbeedka Zalinji, oo leh 109 xaaladood iyo laba dhimasho ah.
YARAANTA SAHAYDA CAAFIMAADKA:
Guddiga isku xirka ayaa carabka ku adkeeyay in faafitaanka joogtada ah ee Daacuun caloolaha, iyada oo ey jirto gabaabsi sahayda caafimaadka ah iyo xarumaha go'doominta ee xaddidan, ey ka dhigan tahay "riyo qarow iyo masiibo bini'aadantinimo oo la illoobay" oo ka jirta waddan ey kala go'een dagaallo, abaaro iyo cudurro. Hay’adaha caalamiga ah oo ey ugu horreyso Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto, si loo xaddido faafitaanka cudurkan, loona badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo rayid ah oo ku sugan deegaannada loo barakacay ee Darfur. Tani waxay ku soo aadeysaa iyadoo dagaalka u dhaxeeya ciidamada uu hogaamiyo Cabbdel Faatax AL-Burhaani iyo xoogaga taageerada deg dega ah ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Xamdan Dagalo, uu socday tan iyo bishii April 2023, kaasoo sababay dhimashada tobanaan kun iyo barakaca in ka badan 13 milyan oo qof oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ka digtay in 17 gobol oo Suudaan ah lagu sifeeyay iney halis ugu jiraan macaluul, oo ey ku jiraan qaybo ka mid ah Daarfuur, Buuraha Nuuba, Khartuum iyo AL-Jazeera.
XIGASHO-AL-CARABIYA.