NUS MILYAN OO QAXOOTI REER SUDAN AH AYAA DIB U LAABTAY BISHII HORE.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER SUDAN.
(PORT SUDAN)-Nus milyan qof ayaa ku laabtay caasimadda Suudaan ee Khartuum bishii Luulyo oo keliya, sida ey sheegtay Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay Isniinta maanta ah, iyadoo magaaladu ey billaabayso iney soo kabsato xitaa iyadoo dagaalladii ba'naa ee waddanku ka socday meelo kale. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay 500,074 ey dib ugu soo laabteen magaalada bishii hore - koror la yaab leh 400 boqolkiiba marka la barbar dhigo June. Kor u kaca soo laabashada ayaa timid afar bilood ka dib markii ciidamada Sudan ey dib uga qabsadeen magaalada bishii March ciidamada ey iska soo horjeedaan ee taageerada deg dega ah, iyo iyadoo dowladdu ey bilowday dadaalo dib u dhis ah. Guud ahaan Suudaan, ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku laabtay guryahoodii sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Ku dhawaad kala bar dadkaasi ayaa dib u dajin ka sameeyay Gobolka AL-Jaziira ee bartamaha dalka, waxaana ku xigta Khartuum oo ey ku soo laabteen in ka badan 600,000 oo qof. Qaramada Midoobay ayaa si kastaba ha ahaatee sheegtay in xaaladdu ey weli tahay mid aad khatar u ah, iyadoo adeegyada aasaasiga ah ey xaddidan yihiin, welina ey jiraan khatarta rabshado soo cusboonaaday. Tan iyo Abriil 2023, Suudaan waxaa hareeyay dagaal ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya taliyaha ciidanka Abdel Fataax AL-Burhaani iyo Ku Xigeenkiisii hore, taliyihii RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Weeraro is xigxigay, ayaa ciidamada Burhaan ey dib ula wareegeen bartamaha Sudan sanadkan, taasoo keentay in RSF ey gacanta ku dhigto galbeedka gobolka Darfur halkaasoo ey qabsadeen dhammaan hal magaalo marka laga reebo hal magaalo iyo qaybo ka mid ah koonfurta Kordofan. Dagaalladan ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, waxaana ku barakacay malaayiin qof, kuwaasoo ey ku jiraan illaa afar milyan oo qof oo ka barakacay caasimadda oo keliya. Iyadoo xasillooni laga dareemay Khartuum, dagaal ba'an ayaa weli ka socda Darfur iyo Kordofan, halkaasoo RSF ey diiradda saartay hawlgallada milateri. Boqolaal qof ayaa la soo wariyay in la dilay bilihii la soo dhaafay, dadka rayidka ah ee ku nool Ceel-Fasher ayaa sheegay in ciidamada isbaheysiga ah ey hadda wadaan weerarkii ugu xumaa ee abid ey ku qaadaan caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur. Dagaalku waxa uu baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka ku yaalla Waqooyi bari ee Afrika waxana uu abuuray wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay barakaca iyo dhibaatooyinka Gaajada ugu weyn ee adduunka. Ku dhawaad 10 milyan oo qof ayaa hadda ku barakacay gudaha Suudaan, halka afar milyan oo kale ey u qaxeen dalalka deriska ah, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay.
XIGASHO-ARAB NEWS.