WAREEGI KOOWAAD EE WADA HADALADDA ISRA’IIL IYO XAMAAS OO KA BILAWDAY…

(SAWIRKA)-BURBURKA GAZA.

(SHARMA-ELSHEEKH/EGYPT)-Wararka laga helaayo magaala xeebeedk Sharma-Al-sheekh ee dalka Masara ayaa sheegaayo in Wareegii koowaad ee wadahadalka dhexeeyo dhexdhexaadiyeyaasha iyo Xamaas ee magaalada Sharm SL-Sheikh ayaa la soo gebagebeeyey habeenimadii Isniinta, "iyadoo jawi wanaagsan uu ku jiro," kaasoo qayb ka ah wada-xaajoodyada ka socda Magaaladda Sharma EL-sheekh ee loo dalxiiska tago si loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ee Xamaas, sida ey sheegtay warbaahinta Masar. Kulamadan ayaa sii socon doona maalinta Talaadada ah ee qayb ka ah wada xaajoodyada dadban ee Xamaas iyo Israa’iil ee ku saabsan qorshaha uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku joojinayo dagaalka ka socda Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Wafuud ka kala socota Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray magaalada Sharmal Sheekh si ey ugu diyaar garoobaan wada hadallo ey ka qeyb galayaan Masar, Mareykanka iyo Qatar oo ah dalalkii hormuudka ka ahaa dhex dhexaadinta labada dhinac ee dagaalka uu socday.

QORSHAHA LABAATANKA QODOB:

Waxaa xusid mudan in Trump uu todobaadkii hore ku dhawaaqay qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza, nabadna lagu dhalinayo. Qorshahan ayaa ugu horayn waxaa ka mid ahaa in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan Maxaabiista Israa’iil, kuwa nool iyo kuwa dhintay, iyadoo lagu beddelanayo in Israa’iil ey sidoo kale sii deyso boqollaal Maxaabiis Falastiiniyiin ah. Sidoo kale waxaa lagu qeexay in si tartiib tartiib ah ey ciidamada Israa’iil uga baxaan Marinka Gaza, iyadoo aan la cayimin jadwalka, in hubka laga saaro guud ahaan Gaza, iyo in Xamaas laga saaro maamulka dhulka la burburiyay. Waxa kale oo ka mid ahaa samaynta Hay’ad ku-meel-gaar ah oo maamula Gaza, iyada oo la hoos-joogo kormeerka caalamiga ah iyo ka-qaybgalka, iyadoo maamulka Falastiiniyiinta ey markaa ka dib ey la wareegi doonaa hawshan.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

CIIDAMADA DAWLADDA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO IS FARA SAARAY.

Next
Next

MADAX UNESCO OO MARKII UGU HOREYSAY LOO DOORTAY NIN CARAB AH.