MADAX UNESCO OO MARKII UGU HOREYSAY LOO DOORTAY NIN CARAB AH.

(SAWIRKA)-DR.KHALID CANAANI.

(PARIS)-Dr. Khaled AL-Cnaani oo Masari ah ayaa loo doortay Guddoomiyaha Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee loo yaqaano UNESCO, ka dib markii ey soo jeediyeen Guddiga Fulinta ee Ururka Isniinta maanta ah magaalada Paris. Dr.AL-Canani, oo 54 jir ah, ayaa jagadaas kula tartamay Edward Firmin Matoko, oo 69 jir ah, una dhashay Jamhuuriyadda Congo, oo hadda ah Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Xiriirka Dibadda ee Hayadda UNESCO. Golaha fulinta ee UNESCO ayaa 55-2 ugu codeeyay AL-Canaani, Wasiirkii hore ee Dalxiiska iyo qadiimiga Masar, isagoo ka horjeeda Edouard Firmin Matoko oo 69 jir ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Congo. Maraykanku kama uusan qeybgelin codeynta maanta dhacday. AL-Canani ayaa ahaa qofka ugu cad-cadaa inuu ku guuleysto codbixinta sirta ah, waxaana loo doortay muddo afar sano ah, isagoo xilka kala wareegay Azoulay oo Faransiis ah, oo xilka hayay labo xilli oo afar sano ah, waana xilliga ugu badan ee haweeney ey xilka ku qaban karto. Dr. Khaled AL--Canaani waa qofkii ugu horeeyey ee kasoo jeedo dal Carbeed oo Madax ka noqota Ururka UNESCO,waana Afrikaankii labaad ee qabta jagadan, ka dib Senigaal Amadou Mbaut (1974-1987). Tan iyo markii la aasaasay UNESCO, ma jiro sarkaal Carab ah oo qabtay jagada Agaasimaha guud, si ka duwan Qaramada Midoobay, oo uu hogaaminayay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Masar Boutros Boutros-Ghali, oo sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Ururka Caalamiga ah ee La Francophonie. Musharixiinta Carabta ah ayaa horay u tartamay, waxaana ka mid ahaa Ismaaciil Serageldin, Faaruuq Hosni, iyo Moushira Al-Khattab (Masar), Ghazi Al-Gosaibi (Sacuudi Carabiya), Mohammed Al-Badawi (Algeria), Hamad Uzair Al-Kuwari (Qatar), Vera Al-Khoury (Lebanon), iyo Rachad Lafarah (Djibouti). Al-Canaani waxa uu ololihiisa bilaabay horraantii Abriil 2023, tan iyo markaas waxa uu ku guulaystay in uu dhiso taageero xooggan oo heer gobol ah iyo xulafo caalami ah. Sidoo kale waa musharaxa la ansixiyay ee Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, wuxuuna taageero ka helay kooxo kale oo caalami ah.

XIGASHO-AL-CARABIYA.


Previous
Previous

WAREEGI KOOWAAD EE WADA HADALADDA ISRA’IIL IYO XAMAAS OO KA BILAWDAY…

Next
Next

WHO OO KA DEYRISAY XAALADDA CAAFIMAAD EE CARUURTA GAZA.