CIIDAMADA DAWLADDA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO IS FARA SAARAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA SYRIA.

(SYRIA)-Ciidamada Suuriya ayaa dib u daad gureeyay dhowr jiho oo hore oo ey la socdeen Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ee uu Maraykanku taageero ee Waqooyiga bari  ee Suuriya, Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay Isniinta maanta ah, ka dib markii ey sare u kacday xiisadda u dhaxaysa labada dhinac. Bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabadani eysan ahayn mid horudhac u ah tillaabo militari, balse la doonayo in looga hortago weerarada iyo isku dayga soo noqnoqda ee kooxda Kurdiyiinta ee ey ku doonayaan iney ku qabsadaan dhulka. Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ey goor sii horeysay xireen labo degmo oo ka tirsan magaalada Xalab oo ey gacanta ku hayaan SDF, taasoo keentay in dadka deegaanka ey dibadbaxyo kaga hortagaan. Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaallo goos-goos ah ey ka socdaan duleedka labada xaafadood ee Kurdiyiinta ey maamulaan, iyadoo dadka deegaanka ey soo sheegayaan in madaafiic laga soo tuuray gudaha degmooyinka ey ku dhaceen xaafado ku dhow dhow. Mid ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday bar koontarool, sida ey sheegeen laamaha ammaanka. Dagaalyahannada Kurdiyiinta ee xiriirka la leh SDF ayaa sheegay in ey iska caabiyeen weerar ey soo qaadeen ciidamada dowladda. Tobaneeyo qoys oo ku noolaa labada xaafadood ayaa u cararay degaanada deriskooda ah si ey ammaan u helaan, sida ay Reuters u sheegeen laba ka mid ah dadka deegaanka.

SDF WAXAY KU BAAQEYSAA IN LA QAADO GO’DOOMINTA: 

Af hayeenka SDF ee Kurdiyiinta Farhad Shami ayaa ku eedeeyay kooxaha ka tirsan Xukuumadda Dimishiq in ey isku dayeen in ey taangiyo la galaan laba degmo oo Kurdiyiinta ey haystaan ​​ee Xalab. Wuxuu beeniyay eedeymaha ah in ciidamada SDF ey beegsadeen isbaarooyinka, isagoo sheegay in kooxdu eysan wax ciidan ah ku laheyn labada xaafadood ee Ashrafiya iyo Sheekh Maqsuud. Farhad ayaa ku baaqay in la qaado wax uu ku tilmaamay go’doominta, isagoo ka digay in ficillada dowladdu ey tahay mid halis ah oo sii xumaanaysa dadka deegaanka. SDF ayaa kordhisay duullaanka ey ku qaadayso dhowr magaalo oo Carabta u badan oo ey gacanta ku hayaan, iyagoo sheegay in hawlgalladu ey bartilmaameedsanayaan unugyada hurda ee dawladda Islaamiga ah. Duullaankan oo ey weheliyaan olole la dardargeliyey oo lagu askaraynayo dhallinyarada si loo askareeyo, ayaa waxa ey qeylo dhaan ka keeneen qaar ka mid ah qabaa’ilka Carabta oo ku eedeeyay SDF in ey ku kaceen falal takoor ah, eedeyntaas oo ey kooxdu beenisay. Ergeyga Mareykanka ee Suuriya Tom Barrack iyo Taliyaha CENTCOM Admiral Brad Cooper ayaa mar sii horeysay la kulmay taliyaha SDF General Mazloum Cabdi iyo saraakiil sare oo ku sugan Waqooyi bari Suuriya, sida ey saraakiishu sheegeen. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta heshiiskii bishii Maarso lala galay Dimishiq. Iska horimaadyada goosgooska ah ayaa sii kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Dimishiq iyo SDF ey midba midka kale ku eedeeyeen daandaansi. Bishii Maarso, labada dhinac waxay gaareen heshiis taariikhi ah oo hoos yimaada Mareykanka oo ku saabsan in ciidamada Kurdiyiinta ey ku biiraan hay'adaha Suuriya dhammaadka sanadka, oo ey ku jiraan wareejinta Xuduudaha, Garoonka Diyaaradaha, iyo Goobaha Saliidda iyo Gaaska ee Dimishiq. Laakin hirgalinta ayaa ah mid gaabis ah iyada oo ey jiraan eedeymo labada dhinac ah ee ah in ey istaageen. Washington waxa ey sidoo kale ku cadaadisay Kurdiyiinta iney dardargeliyaan wada xaajoodyada ey ugu biirayaan Dimishiq iyada oo la raacayo shuruudaha ey aqbali karaan labada dhinac. Turkiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay SDF iney istaagtay, waxayna ka digtay tallaabo militari haddii eysan ku milmin nidaamka dowladda Suuriya.

XIGASHO-FARANCE-24

Next
Next

WAREEGI KOOWAAD EE WADA HADALADDA ISRA’IIL IYO XAMAAS OO KA BILAWDAY…