URURKA XAMAAS OO EEDEYN KULUL U SOO JEEDIYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA URURKA XAMAAS.

(GAZA/PL)-Ururka Xamaas ayaa Israa'iil ku eedaysay in ay si bareer ah u jebisay heshiiskii Gaza iyaga oo bartilmaansaday maleeshiyaadkooda ku go'doonsan Rafah. Hadallo gaar ah oo uu siinayay Tv-ga Caalamiga ah ee AL_carabiya ayuu afhayeenka Xamaas Xazem Qasim ku sheegay in xarakadu ay si buuxda u buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa wejiga koowaad ee heshiiska Gaza, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Israa’iil ay tahay tan caqabadda ku ah gelitaanka wejiga labaad. Waxa uu ku micneeyay in socdaalka wafdiga Xamaas ee Qaahira ay xaqiijineyso sida ay xarakadu ugu dhab tahay u gudbidda wejiga labaad iyo u diyaar garowga. Dhanka hubka dhaqdhaqaaqa, Qassem wuxuu sheegay in arrintan ay tahay in lagu xalliyo qaab dhismeedka wadahadalka qaranka iyo wadatashiga gudaha Falastiin. Dhinaca kale, wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in dulqaadkii Maraykanka ee Israa’iil uu sii dhammaanayo, iyadoo madaxda halkaas ku sugani ay ku kala qaybsan yihiin in la bilaabo wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Gaza. Wargeysku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta Israa’iil ay ku adkaysanayaan in aan la gelin wejiga labaad ee heshiiska iyada oo aan la soo celin maydadka ka hadhay maxaabiista ku jirta Marinka Gaza, kuwaas oo kala ah askari Israa’iili ah iyo shaqaale u dhashay dalka Thailand. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin in lagu guul daraystay in la xaliyo arrinta xubnaha Xamaas ee ku go’doonsan marinnada Rafax. Channel-ka 14-aad ee Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in, marka loo eego jadwalka ay dejiyeen Mareykanka, ciidamada xasilinta caalamiga ah la filayo in ay gaaraan magaalada Rafah ee Marinka Qaza bartamaha bisha Janaayo. Dhankeeda, warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay isku diyaarinayaan inay qalab culus geeyaan magaalada Rafah, si ay burburka uga qaadaan. Shirkadda ayaa ku micneysay in qalab culculus oo la geynayo Gaza uu yahay mid loogu diyaar garoobayo hirgelinta wajiga labaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku dhawaaqday in 15 kale oo meydad Falastiini ah laga helay Israa’iil iyadoo la sii marinayo Laanqeyrta Cas, taasoo tirada guud ka dhigaysa 345. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in 99 ka mid ah dadka dhintay la aqoonsaday, iyadoo xustay in hannaanka baaritaanka iyo dukumentiga uu sii socdo ka hor inta aan meydadka haray loo sii deyn qoysaskooda. Dhanka kale, Xamaas ayaa xaqiijisay inay sii wadayaan baadigoobka haraadiga labada Israa’iil ee ku sugan Gaza si loogu gacan geliyo dhinaca Isra’iil.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

URURKA CAAFIMAADKA ADDUUNK EE WHO OO KA DIGAY CUDURKA…..

Next
Next

DAD KU DHAAWACMAY GENTAALLO LAGU GARAACAY CAASIMADDA SUURIYA EE DIMISHIQ.