DAD KU DHAAWACMAY GENTAALLO LAGU GARAACAY CAASIMADDA SUURIYA EE DIMISHIQ.
(SAWIRKA)CIIDAMADA SURIYA.
(DAMASCUS/SYRIA)-Gantaallo ayaa habeenkii Jimcaha lagu garaacay guri ku yaalla caasimadda dalka Suuriya, waxaana ku dhaawacmay hal qof, waxaana la sheegay in khasaare uu geystay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga cidda ka danbeysa gantaalka lagu weeraray xaafadda Mazzeh 86 ee galbeedka magaalada Dimishiq, wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AP oo ku sugan goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay xireen aaggaas, isla markaana ay ka hortageen in ay u dhawaadaan dhismaha la weeraray. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in hal qof oo dumar ah ay ku dhaawacantay qaraxa, kaasoo ka dhashay weerar ay fuliyeen kooxo aan la garaneyn, isaga oo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay baarayaan. Wakaaladda wararka ee SANA ayaa sidoo kale sheegtay in hal qof oo dumar ah ay ku dhaawacantay qaraxa habeenkii jimcaha, waxaana qaraxan uu ka dhashay gantaalo laga soo ganay qalab mobile ah. Qaraxyada ayaan ku cusbayn caasimadda Suuriya, balse bilihii la soo dhaafay way yaraayeen. Tan iyo markii ay dhacday bishii December ee sanadkii hore dowladda Bashaar Al-Asad oo ay ka danbeeyeen kooxaha kacdoonka wada ee la wareegay kursiga uu ku fadhiyo caasimada Dimishiq ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo ka dhacay magaalada Dimishiq. Isra’iil ayaa sidoo kale boqolaal duqeymo cirka ah ka fulisay gudaha dalkaasi tan iyo dhamaadkii 54-kii sano ee taliska Asad, waxaana inta badan lagu bartilmaameedsaday hantida ciidamada Suuriya.
XIGASHO-AA.