MASAR IYO URDUN OO KA WADA HADLAY XAALADA..
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA MASAR IYO URDUN.
(CAMAAN)-Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad ayaa Sabtida maanta ah khadka Teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah AL-Sisi si ey uga wadahadlaan dadaallada socda ee lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaasoo socday tan iyo 7 Oct, 2023. Taleefanka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maxkamadda Boqortooyada Urdun, ayaa diiradda lagu saaray "dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, dib u soo celinta Gargaarka Bini'aadanimo, iyo in la gaaro Xabbad-Joojin ballaaran oo gobolka ah." Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka hadlay "khatarta sii socota ee werarada Israel ey ku hayso rayidka ah ee reer Falastiiniyiin ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto iyo Xadgudubyada Goobaha Barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyiinta ee Qudus." Waxay ku celiyeen muhiimada dhammaan dadaallada lagu taageerayo dib u dhiska Gaza iyada oo aan la barakicin dadka deggan, iyagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in Falastiiniyiinta lagu hayo dhulkooda. Bishii Maarso 2024, shir deg-deg ah oo Carbeed ayaa lagu go’aamiyey in $ 53 bilyan qorshe dib u dhiska Gaza, oo ey soo bandhigtay Masar, oo soo jeedisay dib u dhiska deegaanka iyada oo aan la barakicin dadkeeda. Balse Israa’iil iyo Maraykanka ayaa diiday qorshahaas, iyagoo ku dheggan qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo in Falastiiniyiinta Gaza loogu barakiciyo dalalka deriska ah sida Masar iyo Urdun. Masar iyo Urdun labaduba way diideen qorshaha Maraykanka, waxaana sidoo kale ku biiray dalal kale oo Carbeed iyo Ururo Goboleed iyo kuwo Caalami ah. Wada hadalka dhexmaray Boqor Cabdallaha Labaad iyo Madaxweyne Sisi ayaa sidoo kale taabtay kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Jordan iyo Masar si loo xoojiyo iskaashigooda istiraatiijiyadeed. Madaxweynaha Masar ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisu “Ey si buuxda u garab taagan yihiin Urdun si ey uga hortagaan wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasiloonideeda”. Talaadadii ayey ahayd markii sirdoonka Jordan ey ku dhawaaqay iney fashiliyeen qorshe lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo Amniga Qaranka dalkaas, iyadoo la xiray 16 qof oo ku lug lahaa. Sirdoonka ayaa sheegay in qorshahan uu ka mid yahay in si sharci darro ah loo sameeyo gantaalada, iyadoo la adeegsanayo agabka gudaha iyo dibadda laga keeno.
ISHA-ANADOLU.