XUUTIYIINTA OO KA HADLAY KHASAARIHII KA SOO GAARAY….

(SAWIRKA)-DEKEDA RAAS CIISA.

(YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayi in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafadda la ah dalka Iraan ey ku dhawaaqeen iney sara u kacday tirada dhimashada ka dhalatay duqeymihii ey Ciidamada Maraykanka ka fuliyeen dekeda Saliida laga dhoofiyo ee Raas Ciisa ee Gobolka Xudeyda Galbeedka dalka Yeman. Warbaahinta Xuutiyiinta oo soo xiganeyso Wasaaradda Caafimaadka ee dawladda aan la aqoonsaneyn ee Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 80-qofood ey ku dhinteen duqeyntii ey fuliyeen diyaaradaha dalka Maraykanka taaso ka dhacday Dekeada Raas Ciisa,waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay ilaa 150-Qofood oo kale,xogtaan ma xaqqiijin karaan ilo madax banaan maadaama Xuutiyiintu ey kali ku yihiin xogta weeraradii ugu dameeyey ee uu qaaday Maraykanka. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa horay u shaaciye in dhaawaca uu gaaraayo ilaa 102-Qofood halka dhimashadu ey ku sheegeen iney gaareyso ilaa 38-qofood,iyadoo markii dambe ey sare u qaadeen dhimashad iyo dhaawacaba. Habeenimadii Khamiista,diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa 14-weerar oo dhinaca cirka ah ku bartilmaameedsaday Dekeda Raas Ciisa ee Gobolka Xudeyda Galbeedka dalka Yeman,halkaaso ey ku dileen tobaneeyo shaqaala ah gebi ahaane ey burburiyeen xaruntii saliida. Tan 15-kii bishii Maarso-2025-ka,Ciidamada dalka Maraykanka waxa ey duqeymo dhanka cirka ah ka wadeen degaano dhawr ah oo ka tirsan dalka Yeman iyagoo cudur daar ka dhigay iney xakameynayaan Xuutiyiinta kuwaaso bartilmaameedsada Maraakiibta ku sugan biyag Badda Cas.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MASAR IYO URDUN OO KA WADA HADLAY XAALADA..

Next
Next

MARAYKANKA OO DUQEYN LA BEEGSADAY DEKEDA RAAS CIISA.