MARAYKANKA OO WEERAR DHINACA CIRKA AH KU…

(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL.

(XUDEYDA)-Wararka laga helaayo magaaladda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka iney fiidnimada Sabtida weerar dhinac cirka ey ku bartilmaameedsadeen fariisimo ey kooxda Xuutiyiinta ey ku leeyihiin magaaladda Xudeyda ee dhacda galbeedka dalka Yeman. Tani waa koror dheeraad ah oo ku saabsan hawlgaladda Mileteri ee Maraykanka oo soo bilawday bartamihii bishii Maarso. Goobjoogayaal ayaa ku waramay iney maqleen qaraxyo xoogan oo ruxay degaano kala duwan oo ka tirsan magaala xeebeedka Xudeyda ee dhinaca ku haysa Badda Cas, qaraxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ey si xoog leh oo si daba joog ah u socdeen duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee ku dul heehaabayo gobolka. Ilo wareedyo maxali ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka iney ku dhawaad 13-weerar oo dhinaca cirka ah ey ku qaadeen garoomada iyo dekedaha ey Xuutiyiintu maamulaan kuna yaalo Gobolka Xudeyda. Duqeymahan ayaa qeyb ka ah duqeymo maalinle ah oo ey ciidamada Maraykanka ku beegsanayaan fariisimaha kooxda Xuutiyiinta ee Gobolka Xudeyda iyo Gobolo kale ee dalkaasi Yeman eyna maamulaan Xuutiyiinta,si ey uga jawaabaan weerarada Xuutiyiinta ee Maraakiibta Xamuulka ee marta Badda Cas.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO MAR KALE DUQEEYEY XUUTIYIINTA.

Next
Next

MASAR IYO URDUN OO KA WADA HADLAY XAALADA..