MARAYKANKA OO MAR KALE DUQEEYEY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DUQEYNTII XALAY EE SANCA.
(YEMAN)-Saacada Gudahood..25-duqeyn oo dhinaca cirka ah ayaa lala beegsaday fariisimaha kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ee gacan saarka la leh dalka Iraan. Diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah waxa ey dib u soo cusbooneysiiyeen duqeymihii ey ku hayeen fariisimaha iyo Xerooyinka Xuutiyiinta dalka Yeman. Ilo wareedyo u hadlay Tv-ga laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudiga ee AL-Carabiya ayaa sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka ah ey diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee degmada Majzar ee Gobolka Ma’arib. Warku wax uu intaas ku daray in ilaa 25-duqeyn oo dhinaca cirka ah in diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka ey ka fuliyeen degaanka AL-Faazah ee Gobolka Xudeydah tan iyo subaxnimadii maanta,arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii afar duqeyn oo dhanka cirka ah uu Maraykanku la beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ey Xuutiyiintu ku leeyihiin degaanka AL-Guweyraq taaso Galbeed kaga beegan magaaladda AL-Tuxeytah. Wariyaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa soo sheegay fiidnimadii Axada in diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka iney duqeymo la beegsadeen Jaziiradda Kamaraan ee Xudeydah iyo degaano kale oo ka tirsan dalka Yeman,warku wax uu intaas raaciyey in sideed duqeyn uu Maraykanka la beegsaday dhufeyso ey kooxda Xuutiyiinta Yeman ku gambanayeen iyo goobaha lagu keydiyo Gentaaladda ee ku yiil Jaziiradda Kamaraan ee Gobolka Xudeydah,waxaane jiray duqeymo kale uu Maraykanka la beegsaday kooxda Xuutiyiinta ee ku sugneed degaanka AL-Jubah ee G/Ma’arib ee dalka Yeman,dhianac kale, qaraxyo aad u xoogan ayaa lulay koonfurta magaaladda Sanca ee ah caasimadda dalka Yeman. Tirakoob ey soo saartay kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayey ku sheegeen in dawladda Maraykanka ey duqeymo dhinaca cirka ah oo gaarayo ilaa kun ka geysatay dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta ee dhaca Galbeedka iyo Waqooyiga dalka Yeman. sidoo kale,waxaa la xaqiijiyey in dawladda Maraykanka ey sii wadi doonto duqeymaha lala beegsanaayo fariisimah Xuutiyiinta si loo ilaaliyo bad qabka socdaalka Badda Cas, ka dib markii boqolaal weerar ey kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga oo ey kooxdu ku sheegtay iney u socdeen Isra’iil.
ISHA-AA.