MARAYKANKA OO ILAALIN DOONA HESHIISKA ISRA’IIL IYO SURIYA.
(SAWIRKA)-CIIDMADA MARAYKANKA EE JOOGA SURIYA.
(ISRAEL)-Maraykanka ayaa isku diyaarinaya in uu ciidamo militari geeyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq si ay ula socdaan heshiiska la sugayo ee dhanka amaanka ee ay dhexdhexaadinayaan Suuriya iyo Israa’iil, sida laga soo xigtay lix ilo oo xog ogaal ah. Ilo-wareedyadu waxay caddeeyeen Khamiista maanta ah in saldhiggan uu ku yaal halka laga soo galo deegaannada koonfurta Suuriya ee la filayo in loo asteeyo aag ka caaggan militariga sida uu dhigayo heshiiska soo socda ee lagu joojinayo colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Suuriya, iyadoo aan la sheegin halka uu ku sugan yahay. Sarkaal Mareykan ah ayaa tilmaamay in aan la shaacin karin halka ay joogaan ciidamadan sababo amni iyo kuwo howleed dartood.
HAWLGALADDA SAHANKA SALDHIGA>
Sarkaal ka tirsan militariga reer galbeedka ayaa sheegay in Pentagon-ku uu dardar galiyay qorshayaashiisa labadii bilood ee la soo dhaafay, iyagoo dhowr sahan u sameeyay saldhigga, waxaana ay soo gabagabeeyeen in dhabaha ay ku ordaan ee dheer uu diyaar u yahay in si degdeg ah loo isticmaalo. Laba ilo oo militari oo Suuriyaan ah ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalo farsamo diirada lagu saaray in saldhiga loo adeegsado saadka, ilaalinta, shidaal siinta, iyo howlaha bini'aadantinimo, iyadoo Syria ay sii haysato madax banaanida xarunta.
INTII UU SOCDAY KULANKA COOPER IYO AL-SHARAC.
Dhanka kale, ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola wadahadallada la xiriira saldhigga ayaa tilmaamay in tallaabadan looga hadlay booqashadii Admiral Brad Cooper uu ku tagay Dimishiq 12-kii Sebtembar Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac. Dhankiisa, sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu saldhigga u soo diray diyaarad nooceedu yahay C-130, si ay u hubiso in dhabaha diyaaraduhu ay ku habboon yihiin. Mid ka mid ah ilaalada mid ka mid ah albaabada laga soo galo saldhigga ayaa sidoo kale u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters in diyaarado Mareykan ah ay ku degayeen halkaas, taasoo qeyb ka ah "tijaabooyin". Ma cadda goorta la geyn doono ciidamada militariga Mareykanka saldhiga.
SIDA GAZA IYO LUBNAAN.
Qorshayaashan cusub ee Maraykanka ayaa u muuqda mid la mid ah laba joogitaanka ciidamada Maraykanka oo la socda heshiisyada xabbad joojinta ee laba goobood oo gobolka ah: Lubnaan si ay ula socdaan xabbad joojinta u dhaxaysa Hezbollah iyo Isra’IIl, iyo koonfurta Tel Aviv si ay ula socdaan xabbad joojinta Hamas iyo Isra’IIl. Mareykanka ayaa horay u sii hayay ciidamada Waqooyiga bari ee Suuriya, taasoo qeyb ka ah dadaal toban sano socday oo lagu taageerayo ciidamada Kurdiyiinta ee dagaalka kula jira Daacish. Waxaa xusid mudan in bishii April, Pentagon-ka uu ku dhawaaqay in la dhimi doono tirada ciidamada ka jooga Suuriya, lana gaarsiin doono 1,000 askari. Xogtan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump lagu wado in Isniinta soo socota uu Aqalka Cad kula kulmo Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-SharaC, waana booqashadii ugu horeysay oo nuuceeda ah oo uu Madaxweynaha Suriya ku tago.
XIGASHO-AL-CARABIYA.