ISRA’IIL OO LAGA YAABO INEY OGOLAATO IN XUBNO XAMAS AH INEY ISAGA…

(SAWIRKA)-XUBNO KA TIRSAN XAMAAS.

(TEL AVIV/ISRAEL)-Laba ilo oo ammaanka Israa’iil ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in Israa’iil ay ogolaato in xubno ka tirsan guutooyinka Qasaam, garabka hubaysan ee Xamaas, ay ka baxaan qaar ka mid ah meelaha ay ku go’doonsan yihiin oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan oo ay u guuraan aagagga Jaallaha ah, sida uu sheegay Channel 12 ee Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac waxay caddeeyeen in tani ay ku dhici karto shuruud ah in dagaalyahannada ay soo gudbaan iyaga oo aan haysan hubkooda.

“TANI WAA WAALLI BUUXDA”.

Taas bedelkeeda, Wasiirka Maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa naqdiyay suurtagalnimadan. Waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa VX ku sheegay Isniintii, isagoo qoray, “Mudane Raysal Wasaare...tani waa waalli dhammaystiran... isla markiiba jooji”. Ilo wareedyo Xamaas ah ayaa sidoo kale horaantii maanta tilmaamay in wada xaajoodyo loo marayo dhexdhexaadiyayaal si dagaalyahannada looga saaro tunnelyada Rafah iyo Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ay ku xayiran yihiin khadka jaalaha ah. Ilo wareedyo ayaa u sheegay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya in tirada dadkan lagu qiyaasay ilaa tobaneeyo, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan guutooyinka AL-Qasaam. Waxaa xusid mudan in Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu xaqiijiyay shalay oo Axad ahayd “in ay jiraan jeebab Xamaas ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Gaza oo ay maamulaan ciidamada Israa’iil, gaar ahaan Rafah iyo Khan Yunis,” isagoo wacad ku maray inuu “ciribtiri doono,” waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ay hadda maamusho ku dhawaad ​​53% dhulka burburay ee Falastiin, ka dib markii ay ka baxday dhulka hadda loo yaqaan Khadka Jaallaha ah, dhulkaas oo ku fidsan waqooyiga Gaza ilaa koonfurta oo ay ciidamada Israa’iil ka baxeen, iyadoo la raacayo heshiiskii xabbad joojinta ee dhaqan galay 10-kii Oktoobar. Iyadoo ay wali ku sii fidayaan "aagagga cas" oo ka kooban ku dhawaad ​​53% ah dhulka Marinka Gaza.

XIGASHO-AL-CARABIYA.


Next
Next

HAYADAHA SAMAFALKA EE SUDAN OO KA DEYRIYEY XAALADDA EL-FASHER.