KOOXDA DAACISH EE SURIYA OO LABA JEER ISKU DAYDAY INEY DISHO MW-AXMED AL-SHARAC.
(SAWIRKA)-MW-AXMED AL-SHARAC.
(DAMASCUS/SYRIA)-Laba sarkaal oo sar-sare ayaa sheegay in Suuriya ay fashilisay laba qorshe oo kala duwan oo kooxda Dawladda Islaamka(ISIS) ku doonaysay inay ku khaarajiso Madaxweyne Axmed AL-Sharac, waxayna arrintan ku kordhisay muuqaal shakhsi ah qorshaha AL-Sharac ee uu ugu biirayo xulafada uu Maraykanku hoggaaminayo ee dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah oo uu muddo dheer khilaaf ka dhexeeyey. Labadan ilo oo kala ah sarkaal ka tirsan bariga dhexe iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya, ayaa intaa ku daray in la fashiliyay labadii qorshe ee lala beegsaday AL-Sharaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, taas oo hoosta ka xariiqday khatarta tooska ah ee ku wajahan madaxweynaha Suuriya oo uu doonayo in uu awooddiisa ku xoojiyo dal ay burburiyeen dagaallo sokeeye oo 14 sano socday. Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suuriya Tom Barrack ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in laga yaabo in al-Sharaa ay maalinta Isniinta saxiixdo heshiis ay kaga mid noqonayso isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaamiyo ee ka dhanka ah Daacish. Isbaheysiga ayaa sanadkii 2019-kii guul darro militari u geystay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya, iyaga oo kaashanaya ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriyaan Dimuqraadiga ah ee uu hoggaamiyo (SDF),kuwaaso hadda gorgortan kula jira iney ku biiraan ciidamadda Suuriya.
XIGASHO-AL-CARABIYA.