GUDOOMIYAHA G/DAARFUUR OO KHARTUUM KULA HADLAY CIIDAMADDA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA SUDAN.
(DARFUR/SUDAN)-Guddoomiyaha Gobolka Daafuur, Minni Arko Minawi, ayaa sheegay in gacan ku haynta deegaan aysan la macno ahayn in dagaalka uu dhamaaday, isagoo ula jeeday magaalada EL-Fasher. Khudbad uu u jeediyay ciidamada Sudan ee ku sugan caasimadda Sudan ee Khartoum, ayuu Minawi ku xaqiijiyay in awaamiir uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Qaranimada iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Cabdifataax AL-Burhaan, si loogu hormaro dhanka Galbeed oo ay dib ula wareegaan dhammaan dhulalka ay la wareegeen Ciidamada Taageerada Deg degga ah. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya in duqeymo dhanka cirka ah lala beegsaday agagaarka garoonka diyaaradaha Nyala ee Koonfurta Darfur, kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Taageerada deg dega ah. Waxaa la maqlay qaraxyo waa weyn oo ku soo beegmaya duqeynta diyaaradeed. Wareysi uu siiyay AL-Carabiya, sarkaal ka tirsan warbaahinta dowladda Darfur, Aqad bin Koni ayaa beeniyay in ciidamada deg degga ah ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada AL-Abyad ee Waqooyiga Kordofan, isagoo carabka ku adkeeyay in ciidanku ay ku sugan yihiin AL-abyad iyo hareeraheeda ayna iska caabinayaan weerar kasta. Ben Koni ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay ku go’doomiyeen shacabka Ceel Fasher oo ay ka hortagayaan in ay u qaxaan Tawila, sidoo kalena ay Hay’adaha Samafalka ka hortagayaan in ay gargaar u fidiyaan barakacayaasha. Qolka gurmadka deg-degga ah ee deegaanka AL-Dhina ayaa soo saartay baaq heer qaran ah oo deg deg ah si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ka dhashay qulqulka dadka badan ee ka barakacay EL-Fasher. Sida laga soo xigtay qolka gargaarka degdegga ah ee AL-dhina, in ka badan 850 qoys ayaa soo gaaray agagaarka deegaankaas iyaga oo aan haysan hoy, cunto iyo dawo, waxaana maqan gargaar bini'aadantinimo. Qolka gargaarka deg degga ah ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo xakameeyo dhibaatooyinka bani’adanimo.
XIGASHO-AA.