ISRA’IIL OO WEERARTAY KOONFURTA DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-GAARIGA LA DUQEEYEY.
(BEIRUT/LEBNAN)-Hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cusub oo ay Israa’iil ku qaadday baabuur marayay Koonfurta Lubnaan Isniinta maanta ah, sida ay sheegtay warbaahintu. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee NNA ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ay ku dhufatay gaari meel u dhow magaalada Baysariyah ee degmada Sidon. Ma jiro wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan oo la xidhiidha aqoonsiga muwaadinka dhintay iyo tirada dhaawaca. Wakaaladdu waxay kaloo sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay dul heehaabayaan hawada sare ee Gobolka Iqlim AL-Tuffax. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Israa’iil oo ku aadan warbixintan ay warbaahintu baahisay. Laba qof oo kale ayaa naftooda ku waayey duqeymo ay Israa’iil fulisay Axaddii. Xiisado ayaa ka taagnaa koonfurta Lubnaan muddo toddobaadyo ah, iyadoo ciidamada Israa’iil ay xoojiyeen duqeymaha cirka ee maalinlaha ah ee ay ka fulinayaan gudaha dhulka Lubnaan iyagoo ku andacoonaya inay bartilmaameedsanayaan xubnaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Xisbullah. Ciidamada Israa’iil ayaa dilay in ka badan 4,000 oo qof, ku dhawaad 17,000 oo kalena way ku dhaawacmeen weerarrada ay ku qaadeen Lubnaan, kuwaas oo billowday bishii Oktoobar 2023-kii, iskuna beddelay weeraro ballaaran bishii September 2024-kii.
XIGASHO-AA.