KHALIIL XAYEH OO KA HADLAY DILKA SARKAAL SARE OO XAMAAS AH.
(SAWIRKA)-KHALIIL XAYEH.
(GAZA/PL)-Madaxa Xarakadda Islaamiga ah ee Xamaas ee Gaza Khalil AL-Xayya ayaa Axadda maanta ah xaqiijiyay dilka taliyihii sare ee kooxda Raa’id Saciid oo lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaaday maalin ka hor. Waa dilkii ugu caansanaa ee loo geysto sarkaal sare oo Xamaas ah tan iyo markii heshiiska xabad joojinta Gaza uu dhaqan galay bishii Oktoobar. AL-Xayya ayaa sidoo kale Axadda maanta ah sheegay in Xarakadda Xamaas ay "xaq sharci ah" u leedahay inay haysato hub, isla markaana soo jeedin kasta oo ku saabsan marxaladaha xiga ee xabad joojinta Gaza ay tahay inay ilaaliso xuquuqdaas. "Iska caabbinta iyo hubkeedu waa xuquuq sharci ah oo ay damaanad qaadayso sharciga caalamiga ah, waxayna la xiriiraan dhismaha dowlad Falastiin," ayuu yiri AL-Xayya oo khudbad telefishin ah ka jeediyay TV-ga AL-Aqsa ee Xarakadda Xamaas. "Waxaan diyaar u nahay inaan baranno soo jeedin kasta oo ilaalinaysa xuquuqdan iyadoo la dammaanad qaadayo dhismaha dowlad Falastiin."
XIGASHO-AN.