BREAKING NEWS: DAACISH OO WEERAR KA GEYSATAY SUURIYA.

(SAWIRKA)-BOOLISKA SURIYA.

(SYRIA)-Ka dib markii afar ka tirsan ciidamada amniga Suuriya lagu dilay aagga Macra’a AL-Nucmaan ee baadiyaha Idlib , ISIS ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Ururka Argagixisada Daacish ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Isniinta maanta ah ku sheegay in uu weerarka ku qaaday shaqaalaha amniga dowladda isagoo adeegsanaya qoryaha darandooriga u dhaca, isagoo intaas ku daray in "dagaalyahannadiisu ay si nabad ah ku soo laabteen."

WAA WEERARKII LABAAD TODOBAAD GUDIHIISA:

Ilo wareedyo Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa shalay sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga waddooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ay ku dhinteen rasaas ay fureen dad aan la garanayn, dhacdadii labaad ee noocan oo kale ah muddo toddobaad ah gudaheed, ka dib weerarkii Tudmar ee Sabtidii la soo dhaafay oo lagu dilay laba askari oo Mareykan ah iyo turjumaan rayid ah. Waxaa la xusay in ciidamada amniga Suuriya, oo kaashanaya isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka, ay shalay bilaabeen olole amni oo ka dhan ah unugyada hurdada, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP.

XIGASHO-AA.

Next
Next

KHALIIL XAYEH OO KA HADLAY DILKA SARKAAL SARE OO XAMAAS AH.