LABA SARKAAL OO AL-QAACIDDA LOOGA DILAY YEMAN.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYE KA TIRSAN URURKA AL-QAACIDDA YEMAN.
(MA’ARIB/YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Weerar dhanka Cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka uu goordhow ka dhacay Gobalka Ma’arib ee Waqooyi bari ee dalka Yemen,waxaane weerarka lala beegsaday Guri ku yaalo Waadi Cabiid. Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan AL-Qaacida oo loo yaqaan "Abu Cubeyda AL-Xadrami iyo shakhsi kale oo caan ah oo ka tirsan Hay'adaha Amniga ee Ururkaas AL-Qaacida Gobalka jasiiradda Carabta, kaasoo lagu magacaabo "Anis AL-Hasali. Ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah oo xog ogaal ah ayaa u sheegay in duqeyntan cirka ah ay bartilmaameedsaday mooto uu la socday Hoggaamiye sare oo ka tirsan AL-Qaacida oo ka dagaalama Jasiiradda Carabta, kaasoo lagu magacaabi jiray Abu Cubeyda AL-Xadrami. Abu Cubeyda AL-Xadrami ayaa hayay jagadda Mas'uulka shareecadda ee Ururka AL-Qaacida ee Jasiiradda Carabta, taasoo ah jago muhiim ah oo uu mas'uul ka ahaa soo saarista fatwooyin qiil u ah howlaha Ururka, qorista buugaagta, xubnaha dagaalyahannada, sharraxaadda iyo faafinta mabda'a xagjirnimadda ah ee Ururka AL-Qaacidada Gobalka Jasiiradda Carabta Dhanka kale, Anis AL-Hasali," oo ah Hoggaamiye caan ah oo ka tirsan waxa loo yaqaan "Hay'adda Amniga ee Ururka, kaas oo ah gacanta midig ee mas'uulka ka ah hawlaha Amniga arrimaha gudaha iyo Dibada oo ay ku jiraan ururinta macluumaadka xasaasiga ah, ilaalinta Higgaamiyeyaasha, fulinta hawlgalladda gaarka ah, iyo la socodka iyo ka war qabka goosashadda dagaalyahanadda ee Ururka AL-Qaacida Goobta uu ka dhacay Weerarkan ayaa ah Wadi Cabid, oo ah buuraley oo ah goob ammaan ah iyo goob ay ku nastaan dagaalyahannada Ururuka AL-Qaacida sannado badan ah, gaar ahaan xaaladda haatan ee Amniga ee sii xumaanaya ee Gobolka Ma’arib, taasoo ay ka socdaan dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamadd Dowladda oo ay taageerayaan isbahaysiga iyo fallaagadda ururka Xuutiyiinta. Si kastaba ha'ahaatee Geeridda Hoggaamiyahan sare ee Abu Cubeyda AL-Xadrami ayaa waxaa loo arkaa inay tahay dhaawac iyo dhabar jab aad u culus oo soo gaaray garabka aqooneed iyo dacaayad fidinta ee Ururka AL-Qaacida ee Jasiiradda Carabta. Duqeynta dhacday maanta ayaa ku soo aadeyso xilli mudooyinkii dambe ey diyaaradaha Maraykanka fuliyeen weeraro dhianaca cirka ah weeraradaaso lala beegsaday canaasiirta lala xiriirinaayo iney ka tirsan yihiin Ururka AL-Qaacidda kuna kala sugan Goboladda Ma’arib, Shabwa’a iyo Abyan ee dalka Yeman. Dabayaaqadii bishii hore ee Noofembar ayey ahayd markii dalka Yeman lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah Hogaamiye sare kana tirsan AL-Qaacidda lana yiraahdo Muniir AL-ahdal Ururka dhexdiisana loo yaqaano Abu Heyjaa AL-Xadiidi,weerarka ayaa ka dhacay halka la yiraahdo AL-Xusuun ee Waadi Cabiid ee G/Ma’arib,waxaane hogaamiyaha la geeriyooday ilaaladiisa la socotay,shaqada uu Ururka ka dhex haayey ayaa ahayd Hogaanka ciidamadda Ururka AL-Qaacidda ee dalka Yeman,waxa uuna masuul ka ahaay hawlgaladda Ururka uu ka fuliyey Goboladda Abyan iyo Shabwa sannadadii ugu dambeeyey.
XIGASH-HNA/AA.