GOLAHA KU MEEL GAARKA AH EE DALKA SUDAN OO BEENIYEY….
(SAWIRKA)-RAADKA DAGAALKA SUDAN.
(KHARTOUM/SUDAN)-Golaha ku meel gaarka ah ee daalka Sudan , ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray Khamiista maanta ah, waxa uu si cad u beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo ku saabsanaa wada xaajood toos ah iyo mid dadban oo u dhexeeya ciidammada qalabka sida ee Suudaan iyo waxa ay ugu yeedheen "Falaagada" ee Washington. Goluhu wuxuu caddeeyey in warkaas uu yahay mid gebi ahaanba been abuur ah, isagoo ku nuux-nuux saday in mawqifka dawladda ee wada-hadal kasta ama xal-u-helid kasta uu yahay mid sugan oo cad, kaas oo ah sida ay uga go’an tahay “xal qaran oo ilaalinaya Madaxbannaanida dalka, Midnimada, Xasilloonida, iyo Xuquuqda dadka Suudaan”. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegay AL-Carabiya in Washington ay martigelineyso kulamo aan toos ahayn oo u dhaxeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga Taageerada deg dega ah. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray Khamiistii in kulammada Washington ay dabayaaqada bishan la yeelan doonaan labada dhinac ee isku haya Suudaan ay qaadan doonaan laba maalmood.
DHEXDHEXAADIYEYAASHA GOBOLKA:
Dhanka kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Asharq AL-Awsat u xaqiijiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay kafaala qaadi doonto shirar isdaba joog ah oo dhexmari doona wakiillada ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada deg dega ah. Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, oo ay weheliyaan dhexdhexaadiyayaasha gobolka, ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la yeelan doona labada dhinac ee isku haya Suudaan, si loogu diyaargaroobo kulanka Quartet-ka caalamiga ah ee dhawaan ka dhici doona magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Tani waxay timid ka dib markii afar-geesoodka ah, bishii hore, ay soo jeediyeen qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Suudaan, kaas oo qarxay bartamihii Abriil 2023 oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiinna ku barokaceen. Dadaalkan dublamaasiyadeed ayaa sidoo kale yimid ka dib markii uu dagaalku sii xoogaystay baaqyo iyo digniino ay Qaramada Midoobay soo saartay, gaar ahaan magaalada EL-Fashir oo ay boqolaal qoys u qaxeen xeryo barakac oo ku yaalla Waqooyiga Daarfur ee galbeedka Suudaan labadii maalmood ee la soo dhaafay iyada oo ay sii kordhayso millatari cusub oo ka socda magaalada go’doonsan.
“XAALADU AAD AYEY U WALAACSAN TAHAY”
Waxaa xusid mudan in Ciidamada Gargaarka Deg degga ah ay toddobaadyadii la soo dhaafay horumarro ka sameeyeen dhinaca EL-Fashir oo ay ku go’doomiyeen in ka badan 18 bilood. EL-Fashir waa magaalada kaliya ee ugu weyn ee ku taal Daarfuur oo ay wali gacanta ku hayaan ciidamada. Dhanka kale, bayaan ay soo saareen afar Hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa Khamiistii ka digay in 30 milyan oo qof oo ku nool Suudaan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Suudaan. Wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 130,000 oo caruur ah ay ku xayiran yihiin EL-Fashir muddo 16 bilood ah, isagoo carabka ku adkeeyay in xaaladda gobollada Kordofaan iyo Daarfur ay tahay mid aad looga walaaco.
XOGASHO-AL-CARABIYA.