MARAYKANKA OO RABA INUU DHEXDHEXAADIYO DHINACYADDA DAGAALKA SUUDAAN.

(SAWIRKA)-LA TALIYAHA TRUMP.

(WASHINGTON)-Ka dib markii Golaha Madaxbanaanida Suudaan uu diiday wax wada xaajood toos ah ama mid dadban oo uu la yeeshay wafdi ka socda Ciidamada Taageerada deg dega ah(RSF) ee ku sugan Maraykanka, Washington ayaa hakisay wada xaajoodka.

KULAN AFARGEESOOD AH OO LA BALAARIYEY:

Mascuud Bullos, oo ah la taliyaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Arrimaha Afrika, ayaa Sabtida maanta ah daaha ka qaaday in kulan ballaaran loo qabtay Afarta xubnood (Mareykanka, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar) ee khuseeya Suudaan. Waxa uu intaa ku daray, iyada oo loo sii marayo X, in afar-geesoodka ahi ay isku raaceen in la dhiso guddi hawl-fulin si kor loogu qaado isku-dubbaridka arrimaha mudnaanta deg degga ah ee Suudaan, oo ay dagaallo ka socdeen in ka badan laba sano. La taliyaha Trump ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Mareykanka uu doonayo nabad, isagoo ku macneeyay in kulanka looga hadlay xoojinta dadaallada lagu gaarayo arrintan. Wuxuu intaas ku daray in kulanka sidoo kale looga hadlay dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad-joojin deg-deg ah oo bini'aadantinimo iyo xabbad-joojin, isagoo xusay in afar-geesoodku ay xaqiijiyeen inay ka go'an tahay soo afjaridda dhibaatada shacabka Suudaan. Golaha Madaxbanaanida Suudaan ayaa diiday wax gorgortan toos ah iyo mid dadban oo lala yeeshay wafdi ka socda Ciidamada Taageerada Deg degga ah ee Washington. Si kastaba ha ahaatee, ilo diblumaasiyadeed ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan Muxyadin Salim uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Maraykanka, ujeedaduna tahay sidii uu ugala hadli lahaa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan, kaasoo socday in ka badan laba sano. Ilo wareedyo ayaa u sheegay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-CARABIYA Jimcihii in Wasiirka Suudaan uu kulamo xiriir ah magaalada Washington kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka oo uu ka mid yahay Macuud Bullos oo ah la taliyaha sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Arrimaha Bariga dhexe iyo Afrika. Warku waxa ay intaa ku daray in Salim uu sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah dhiggiisa dalalka Carabta, iyadoo xustay in booqashadan ay ku timid casuumaad rasmi ah oo uu ka helay maamulka Mareykanka oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud. Sarkaal Maraykan ah ayaa sidoo kale Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya u sharaxay in Paul uu gudoominayey shirarkii Afarta ahaa ee lagaga hadlayay xasaradaha Suudaan. Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sudan ayaa War-murtiyeedkii xigay ku sheegtay in socdaalka Wasiirka ee Washington uu ujeedkiisu yahay sidii loo sii wadi lahaa wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo taageeridda nabadda Suudaan.

XABAD JOOJIN:

Sarkaal dublamaasiyadeed ayaa Khamiistii hore xaqiijiyey in dalalka Afarta ah (Maraykanka, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Masar) iney magaalada Washington kula kulmi doonaan wakiillo ka socda ciidammada Suudaan iyo Ciidammada Taageerada deg degga ah si ay labada dhinac ugu riixaan xabbad-joojin bini’aadantinimo oo saddex bilood ah. Waxa uu sheegay in ujeedadu ay tahay in "si midaysan loo cadaadiyo si loo adkeeyo xabad joojinta loona ogolaado in gargaarka bini'aadantinimo uu gaaro dadka rayidka ah," sida ay sheegtay Wakaalada France-Presse. Waxaa xusid mudan in afar-geesood ay soo saareen bayaan wadajir ah bishii Sebtembar ee la soo dhaafay oo ay ku baaqeen xabbad-joojin bini'aadannimo, oo ay ku xigto xabbad-joojin joogto ah, ka dibna sagaal bilood oo ku-meel-gaar ah oo ku aaddan xukunka rayidka ah. Si kastaba ha ahaatee, iska hor imaadka u dhexeeya ciidamada uu Madaxda ka yahay Cabdulfataax AL-Burhaan iyo xoogaga Taageerada deg dega ah ee uu hogaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa weli sii socda, iyadoo ay ku dhowdahay sanadkii saddexaad. Dhanka kale, dagaalku wuxuu mugdi geliyey malaayiin Suudaani ah oo ku nool xaalado bini'aadantinimo oo aad u daran. Colaadda ayaa dishay tobanaan kun waxaana ku barakacay in ka badan 14 milyan oo qof gudaha iyo dibadda dalka qiyaastii saddex meelood meel dadka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.

XOGASHO-AA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY K/LUBNAAN.

Next
Next

GOLAHA KU MEEL GAARKA AH EE DALKA SUDAN OO BEENIYEY….