DAGAAL CULUS OO CAAWA KA QARXAY MAGAALADDA MISRATA EE GALBEEDKA LIIBIYA.

(SAWIRKA)-GAADIIDKA DAGAALKA EE MISRATA.

(MISRATA/LIBYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Iska horimaad rabshado wata uu habeenimada caawa ka qarxay magaalada Misrata ee Galbeedka Liibiya waana mid u dhexeeyo labo kooxood oo hubeysan kuwaasoo gacan saar la leh Dowladda Midnimada Qaran, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaad uu ka dhacay Jaziirada AL-Sakta, waxa uuna dagaalka u dhaxeyaa Guutada 24-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo gacan saar la leh Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamo taabacsan Xafiiska Raysal Wasaaraha. Waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Muuqaalo ay faafiyeen dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujinayay rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in tiro dhaawacyo ah ay soo gaareen isbitaalka magaalada.

XIISADO HUBEYSAN:

Iyadoo weli aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee magaalada Misrata oo ku aadan sababaha keenay dagaalka iyo tirada dhaawaca. Misrata waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa-weyn Galbeedka Liibiya, waana mid ka mid ah Gobollada ay mararka qaar ka dhacaan xiisado hubeysan oo ka dhasha isku dhac awoodeed oo u dhexeeya kooxaha maxali ah oo iska soo horjeedo.

GIGASHO-AA.

Previous
Previous

GOLAHA KU MEEL GAARKA AH EE DALKA SUDAN OO BEENIYEY….

Next
Next

QM OO 12-SHAQAALE KA DAABUSHAY CAASIMADDA SANCA EE YEMEN.