GHAMDAN AL-CAKWANI OO AH SARKAAL SARE KANA TIRSAN XUUTIYINTA OO LA DILAY.
(MUUQAALKA)-CIIDAMADDA YEMEN.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamada Yemen ayaa dilay shan Xuutiyiin ah, oo uu ku jiro taliye ciidan, ka dib duqeymo ay ka geysteen goobaha kooxda ay ku leedahay waqooyiga gobolka AL-Jawf, sida ay Arbacadii werisay warbaahinta taageerta dowladda. Warbaahinta Xeebta Galbeed, oo soo xiganaysa ilo maxalli ah, ayaa sheegtay in duqeymaha ay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta iyo xeryaha waqooyiga degmada Khab Wa AL-Shacaf fiidnimadii Isniinta la soo dhaafay. Warbixintu waxay ku sheegtay taliyaha goobta inuu ahaa Ghamdaan Moxammed Cali Jabir AL-Cakwaani, iyadoo intaas ku dartay in afar xubnood oo kale oo Xuutiyiin ah ay sidoo kale dhinteen. Shanta xubnood waxay ka soo jeedeen gobolka Sacda ee waqooyiga, oo ah meel ay Xuutiyiintu ku xooggan yihiin. Dhacdadan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan iskahorimaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta oo ka socda dhowr jiho. Isniintii, ciidamada dowladdu waxay sheegeen inay saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiin ah ku soo rideen Ticiz iyo Shabwa, halka duqeymo ay sidoo kale bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta iyo hantida militariga ee galbeedka Ticiz. Dhanka kale Xuutiyiinta ayaa soo sheegay tobanaan duqeymo cirka ah maalmihii la soo dhaafay oo ka dhacay gobollo dhowr ah, oo ay ku jirto AL-Jawf, iyadoo dagaalku uu sii xoogeysanayo.