WAKIILO KA SOCDAY XUUTIYIINTA OO MASQAT KULA KULMAY MARAYKANKA.

(MUUQAALKA)-WAKIILADDA XUUTIYIINTA EE MASQAT.

(MUSCAT/OMAN)-Wakaaladda wararka Caalamiga ah ee Reuters ayaa Arbacada maanta ah soo werisay in saraakiisha Mareykanka ay la kulmeen wakiillo ka socda maleeshiyada Xuutiyiinta ee caasimadda Cumaan, Muscat, horraantii toddobaadkan, kulan aan la shaacin, maalmo ka dib markii kooxdu ay qabsatay qaybo istiraatiiji ah oo ka tirsan xeebta Badda Cas ee Yemen. Hay'addu waxay soo xigatay shan ilo xog ogaal ah oo sheegay in kulanka lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muscat, halka ilo kale ay sheegeen in dowladda Cumaan ay gacan ka geysatay qabanqaabada kulanka. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadu, wakiillada Xuutiyiinta ayaa ku wargeliyay dhinaca Mareykanka in kooxdu aysan damacsanayn inay weerarto maraakiibta Mareykanka, iyo inay ka go'an tahay xabbad-joojinta ay la gaartay Washington sannadkii 2025-kii. Ilo wareed ka tirsan Yemen ayaa u sheegay Reuters in Xuutiyiintu ay sidoo kale saraakiisha Mareykanka ku wargeliyeen inaysan bartilmaameedsan doonin maraakiibta Israa'iil ama kuwa ganacsiga, marka laga reebo maraakiibta Sacuudiga. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinaca Mareykanka ay matalayeen shaqaalaha Safaaradda, halka wafdiga Xuutiyiinta uu ku jiray sarkaal Maxamed CabdulSalam oo ku nool Muscat isla markaana ey saaran tahay cunaqabatayn Mareykanka ah, iyo sidoo kale hoggaamiyaha Xuutiyiinta CabdulMalik AL-Cajari. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ma aysan xaqiijin in kulanka uu dhacay, laakiin waxay sheegtay in ilaalinta xorriyadda marin-badeedka Badda Cas iyo ka hortagga dhoofinta argagixisada Bariga Dhexe ay ka mid yihiin danaha ugu muhiimsan ee Washington. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadda militari ee ka taagan Yemen, iyadoo Xuutiyiintu ay ku sii siqayaan xeebta galbeed, sida ay sheegtay Reuters, waxayna qabsadeen goobo istaraatiiji ah oo u dhow Bab AL-Mandab, taasoo ku soo beegantay codsi Sacuudi ah oo ku saabsan taageeradda Mileteriga Maraykanka si looga hortago is balaarinta kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan.

ISHA-WAKAALADDO

Next
Next

GHAMDAN AL-CAKWANI OO AH SARKAAL SARE KANA TIRSAN XUUTIYINTA OO LA DILAY.