HOGAAMIYEYAAL SARE OO XUUTIYIIN AH OO LAGU DILAY DEKEDDA MAKHA.
(MUUQAALKA)-ALZACKARI.
(MOCHA/YEMEN)- Wararka laga helaayo magaala Xeebeedka Mokha ayaa sheegaayo in Madal ku takhasustay arrimaha militariga ey sheegtay in Moxammed Sharaf Cadlaan, oo ahaa Ku-Xigeenka Agaasimaha Xafiiska Hoggaamiyaha Maleeshiyada Xuutiyiinta C/Malik Badradiin AL-Xuuti, oo loo aqoonsaday koox Argagixiso ah, lagu dilay weerar dhinac cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Mokha, oo Galbeed ka xigta Gobolka Ticis. Khadka Difaaca ayaa soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo sheegaya in Cadlaan uu ka yimid aagga Xijrat Filla ee degmada Majza ee gobolka Sacda’a, uuna ku biiray kooxda tan iyo markii la aasaasay, laguna dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Mocha. Gantaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada qalabka sida ay ku dhawaaqeen in magaalada Mokha iyo hareeraheeda ay qayb ka yihiin Sanduuqa dagaalka, halkaas oo dhaqdhaqaaq kasta oo milatari oo ka dhaca aagga la bartilmaameedsado. Dhinaca kale, Taliye ka tirsan Xuuthiyiinta ayaa la dilay Talaadadii shalay ahayd isagoo ka dagaalamayay jiidda hore ee gobolka Ticis, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Ilaha ayaa sheegay in Sheekh Cali Yaxya AL-Zackari oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada AL-Sawda ee gobolka Camraan lala dilay lix dagaalyahan oo kala ah Nuux Xamoud Cadhiifa oo ka soo jeeday Bani Mawahab, Yoonis Muxammad AL-Fahad iyo Cali Abdullah AL-Qadi oo u dhashay Naashir, iyo Jalal Naji AL-Sacidi, Ciza AL-Din Cali Gashaam, Nuuradiin Cali Ghasham oo walaala ah kana soo wada jeeda Qabiilka Mansuur. Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in toban kale ay weli ka maqan yihiin degmooyinka Mansuur iyo Bani Axkam. Dilka AL-Zackari wuxuu yimid ka dib dilkii walaalkiis, Axmed Maxamed AL-Zackari loona yaqaano Abu Ximyar AL-Zackari, iyo wiilkiisa, Yahya Cali Yaxye AL-Zackari, kuwaaso iyagana ka dagaalamaayey safafka Xuutiyiinta.
ISHA-WAKAALADDO.