DAWLADAHA MARAYKANKA,SURIYA IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAAYO XAALADDA…

(SAWIRKA)-BUURAHA GOLAN EE SURIYA.

(SYRIA)-Saraakiisha sarsare oo isugu jira Maraykanka, Isra’iil, iyo Suuriya ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Khamiista si ay isugu dayaan in la gaaro isfaham xagga amniga ah oo ku saabsan xaaladda Koonfurta Suuriya, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah iyo ilo xog ogaal u ah arrintan, Wargayska Axios ayaa sheegay. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ey saddexda dal ku kulmaan tan iyo markii ay soo ifbaxday xiisadda todobaadkii hore ka dhacday magaalada Sweyda ee Koonfurta Suuriya, waxaana xigay duqeymo diyaaradeed oo Israa’iil ey ka geysatay Dimishiq. Horey, ilo-wareedyo AL-Carabiya ah ayaa sheegay in dib loo bilaabay xiriirkii amniga ee u dhaxeeyay maamulka Suuriya iyo Israa’iil ee hoos yimaada Mareykanka-Turkiga. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga iyo Suuriya ey ka wada hadlayaan arrimaha SDF, Druze, Calawiyiinta iyo isfahamka Isra’iil, iyagoo xusay in "Wefti Israa'iil ah ey ku wajahan yihiin Asarbayjan si ey u dhamaystiraan isfahamka, arrinta Sweydana waxay ku socotaa in la xalliyo." Ilo-wareedyada ayaa sheegay in maamulka Suuriya uu la yaabay falcelinta Israa’iil ee ku aaddan dhacdadii Sweida. Waxa ey sidoo kale tilmaantay in uu jiro xiriir gaar ah oo u dhaxeeya Turkiga iyo Israa’iil oo ku saabsan xasaradaha Suuriya.

AAGA WAX KA QABASHADA:

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, Israa’iil ma eysan ballan qaadin iney joojinayso weerarada ey ku hayso Suuriya, waxayna dalbanaysaa aag ka caaggan militariga iyo joogitaanka joogtada ah ee aagagga difaaca ee ku teedsan khadka 1974-kii. Aagga ka caagan Militariga ayaa dhererkiisu dhan yahay qiyaastii 80 kiiloomitir, oo u dhaxaysa 500 mitir ilaa 10 kiiloomitir ballac ah, wuxuuna daboolayaa dhul dhan 235 kiiloomitir laba jibaaran. Waxay ku fidsan tahay khadka xabbad joojinta ee kala qeybisa buuraha Golan ee la haysto iyo Suriya inteeda kale.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WASAARADDA DIFAACA SURIYA OO BAAREYSA WIXII KA DHACAY SWEYDA.

Next
Next

URUR CUSUB OO KA DILAACAY MASAR LANA MAGAC BAXAY XAMS.