URUR CUSUB OO KA DILAACAY MASAR LANA MAGAC BAXAY XAMS.

(SAWIRKA)-MAXAMED C/XAFEEZ.

(EGYPT)-Horumar si xawli ah ku socda, saacado un ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar ay ku dhawaaqday inay beegsatay Xubno Argagixiso oo xiriir la leh Dhaq-dhaqaaqa Hasm ee isku dayey inay dalka ka fuliyaan Hawl-gallo Qaran Dumis ah, ayey mas’uuliyiinta dalka Turkiga waxay gelinkii dambe ee maanta oo Isniina qabteen mid ka mid ah shaqsiyaadkii ku lugta lahaa Garoonka Istanbul. AL-Carabiya.net ayaa ogaatay in mas’uuliyiinta Turkiga ay xireen Moxamed Cabdul-xafeez, oo ah Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Hasm. Magaciisa ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar oo ka mid ahaa unugga dhaqdhaqaaqa ee qorsheynayey hawlgallada wax-kharibid ah. Xog ay heshay AL-Carabiya.net ayaa sheegeysa in Hogaamiye ka tirsan Ururka Xams lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul xili uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay mid ka mid ah dalalka Africa. Xaaska Maxbuuska ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay in ay lumisay xiriirkii Telefoonka ay la lahayd ninkeeda ayna ka war heshay in loo diiday in uu galo oo la masaafuriyo in kasta oo uu sharci ku joogo dalka Turkiga uu yahay mid aan dhicin.

DIYAARINTA IYO QORSHEYNTA HAWLGALADDA CADAWNIMO:

Arrintan ayaa timid saacado un ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar ay shaacisay inay ku lug leeyihiin Hogaamiyayaasha Dhaqdhaqaaqa Hasm ee ah garabka hubaysan ee Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kuwaasi oo u baxsaday dalka Turkiga diyaarinta iyo qorsheynta soo nooleynta dhaq-dhaqaaqooda iyo fulinta howlgallada cadawtinimo ee lagu beegsanayo xarumaha amniga iyo dhaqaalaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar ayaa sheegtay in Waaxda Amniga Qaranka oo kaashanaysa Hay’adaha Ammaanka, ay awood u yeelatay inay aqoonsato Hoggaamiyeyaasha Dhaqdhaqaaqa Hasm ee ka dambeeya qorshahan. Eedaysanaha koowaad waa Yahya AL-Sayed Ibrahim Muxammad Muuse, oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii ugu caansanaa dhaqdhaqaaqa Hasm iyo kormeeraha qaab dhismeedkeeda hubeysan iyo kuwa milateriga. Waxaa lagu xukumay dil dhowr kiis oo ku saabsan Kiiska No. 261/7122/2016, Dembiyada Saldhigga Booliska ee Nuzha, ee loo haysto dilka Xeer Ilaaliyaha Guud. Wasaaraddu waxay tilmaantay in Muuse lagu xukumay xabsi daa’in Kiiskii 6607/2022, Shuruuq Police Station Felonies, isku dayey inuu beegsado tiro ka mid ah dadka muhiimka ah, iyo sidoo kale xabsi daa’in kiis 2022/120, dambiyada militariga ee Bariga Qaahira, isku dayga in lala beegsado Diyaarada Madaxweynaha iyo dilkii Shahiid Maajid C/rasaaq oo ahaa sarkaal ka tirsan saldhiga booliska ee Nuzha.

CUNSURKA XASM AYAA LA KORMEERAY ISAGOO CIDLADA KU SOO QULQULAYA.

Wasaaraddu waxay daaha ka qaaday in Eedeysanaha labaad ee Xarakadda Maxamed Rafiiq Ibrahim Manaac lagu xukumay Xabsi daa’in Kiis 2.64/2017 Waqooyiga Qaahira Fal-dembiyeedyo Millateri, iyo in Eedeysanaha Saddexaad ee Cala’a Cali Cali AL-Samaxi lagu xukumay dhowr Kiisas, oo uu ku wehliyo Maxamed Abdul-xafeez Cabdullah Abdul-xafeez, oo lagu xukumay Xabsi daa’im oo dhowr ah,64/2016. Dambiyada Militariga Qaahira, iyo Cali Maxamud Maxamed Cabdul AL-Wanees, oo lagu xukumay dhowr kiis oo xabsi daa’in ah sida Kiis Lr. 120/2022. Wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in marka la eego la macaamilka xogtan, lala socdo in mid ka mid ah xubnaha dhaqdhaqaaqa, oo lagu magacaabo Axmed Muxamed Cabdul-Razeq Axmed Guneeym, oo lagu xukumay dil toogasho ah dhowr kiis, oo ay ku jiraan kiis 2018/479 Abu Kabiir Center Felonies, ayaa ku soo qulqulaya dalka si uu u bartilmaameedsado koox ka mid ah ilaalada joogtada ah ee Gobolka Sharqiya. Waxa ay intaa ku dartay in lala socdo in dalka si sharci darro ah uu ku soo galayo waddooyin saxare ah, isla markaana uu gabaad ka dhiganayay guri dabaq ah oo ku yaalla deegaanka Bulaq Al-Dakuur; iyadoo loo diyaariyey goobo fulinta qorshaha Argagixisada, iyadoo lala kaashanayo xubin ka tirsan dhaqdhaqaaqa Argagixisada Ehaab Cabdul-Ladhiif Maxamed AbdulQadir, oo la doonayo in la soo xiro oo la keeno kiis lambar 1126/2025 oo isku dayay inuu bartilmaameedsado tiro badan oo muhiim ah.

QEYB KA MID AH MUUQAAL VIDEO AH... IYO HANJABAADYO RABSHADO AH:

Wasaaraddu waxay sheegtay in ragga falkan geystay la bartilmaameedsaday ka dib markii ay ogolaansho ka heleen Xeer Ilaalinta Qaranka, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen Argagixisada. Argagaxisada ayaa markaas ka dib bilaabay in ay rasaas ku furaan ciidamada iyo agagaaraha dhismaha, taasi oo keentay in ay wax ku noqdaan. Waxa ay sheegtay in rasaasta ay isweydaarsadeen labadaasi Argagixiso ay sababtay dhimashada labadaasi Argagixiso iyo dhimashada muwaadin ka mid ahaa dadkii goobtaasi marayey, kaas oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaastii ay fureen kooxaha Argagixisada ah. Sidoo kale askari ka tirsan ciidanka ayaa dhaawac uu soo gaaray xilli uu isku dayayay in uu badbaadiyo muwaadinka. Dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka ee Hasm ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan weeraro xooggan oo ka dhan ah Masar muddada soo socota. Muuqaal maalmo ka hor la soo dhigay barta Telegram-ka oo cinwaan looga dhigay “Tani waa Jid” ayay Xarrakadu ku xaqiijisay inay damacsan tahay inay weerarro xooggan ka geystaan Masar, ayna dib u billaabaan howlgallada hubeysan oo ay ku beegsanayaan Xarumaha iyo Xabsiyada. Ujeeddadu waa in la sii daayo xubnaha kooxdan ee hadda xabsiga ku jira, iyo sidoo kale Hoggaamiye kooxeedyo ay xukunno Maxkamadeed ku xukuntay ku lug lahaanshiyaha rabshado iyo qaran dumis. Muuqaalka ayaa muujinaya Dhoolatusyo dhowr ah oo ay Xarakadu ka wadeen dhul saxare ah oo ay ka mid yihiin beegsiga howlgallada, dilalka Qorsheysan, Qaraxyada oo lala beegsado ciidamada milateriga iyo booliska.

ISHA-AA.

Next
Next

AMIIR KHAALID WAXA UU KOOMO KU JIRAY MUDDO DHAN 20-SANO.