DALKA JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY SEDDEX QOF OO LOOGA SHAKISAN YAHAY INEY XAMAAS TAAGEERAAN.

(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.

(GERMANY)-Masuuliyiinta dalka Jarmalka ayaa ku sheegay iney magaalada Berlin lagu xiray saddex Ajaanib ah oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Ururka Xamaas. Xeer-ilaalinta guud ayaa Arbacada maanta ah sharaxday in Maxaabiista looga shakisan yahay iney isu diyaarinayeen falal xun-xun, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

HUBKA IYO DILALKA QORSHEYSAN:

Waxa uu intaasi ku daray in saddexda nin ee la qabtay looga shakisan yahay iney hub iyo rasaas u gudbinayeen Ururka Xamaas si ey ugu adeegsadaan dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo Xarumaha Israa’iil iyo Yuhuudda ee dalka Jarmalka. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in intii la soo qabanayay laga helay qori AK-47 ah, Bastoolado badan, iyo rasaas aad u badan. Xariga ayaa yimid ka dib markii daraasad uu taageeray Xafiiska ka Hortagga Takoorka ee dowladda Federaalka Jarmalka lagu soo gabagabeeyay talaadadii in Yuhuuda ku nool dalkaasi ey la il daran yihiin dhibaatadii ka dhalatay weerarkii October 7, 2023, iyo in inta badan ey dareemaan cidlo ama in la diido. Jarmalku waxa uu qayb ahaan hakiyay hubkii uu u dhoofin jiray iyo iibintii Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023, sababo la xiriirta dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Marinka Gaza. Waxay ku baaqday inay lagama maarmaan tahay in Xamaas laga saaro xal kasta oo mustaqbalka Gaza ka dib marka uu dhammaado dagaalka.

XIGASHO AL-CARABIYA.

Previous
Previous

URURKA XAMAAS OO BEENIYEY EEDEYNTII JARMALKA.

Next
Next

SOO JEEDINTA MW-TRUMP EE XABAD JOOJINTA GAZA OO LAGA KEENAY SHAN SU’AAL.