URURKA XAMAAS OO BEENIYEY EEDEYNTII JARMALKA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.
(GAZA)-Ururka Xamaas ee reer Falastiin ayaa si cad u beeniyey war ka soo baxay dowladda Jarmalka oo ahaa iney xirtay xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqooda.Warbixin uu Ururka Xamaas soo saaray Arbacada maanta ah ayaa lagu xaqiijiyay ineysan wax xiriir ah la lahayn mid ka mid ah shaqsiyaadka maanta lagu xiray Jarmalka. Waxa ey sidoo kale hadalkeeda sii raacisay “Eedaynta ah in maxaabiista lagu tuhmayo iney xiriir la leeyihiin Xamaas waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedkoodu yahay in lagu waxyeeleeyo dhaqdhaqaaqa iyo in lagu wiiqo dareenka shacabka Jarmalku u hayo shacabka Falastiin iyo halganka sharciga ah oo ey kaga soo horjeedaan gumeysiga iyo dagaalka lagu hayo marinka Qaza. Waxa ey sidoo kale carabka ku adkeysay in Siyaasaddeedu ey ahayd, welina ey tahay, in halgankeeda ka dhanka ah Isra’iil ey ku koobto Falastiin oo kaliya, sida ey hadalka u dhigtay. Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulka Jarmalku uu ku dhawaaqay in magaalada Berlin lagu xiray saddex Ajaanib ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Xamaas .
HUBKA IYO DUULAANKA:
Wariyaha Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa soo sheegay in booliska Jarmalka ay ka heleen hub ay haysteen xubno looga shakisan yahay Ururka Xamaas oo ku sugan gudaha Jarmalka. Waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanku ey hadda howlgallo ka wadaan magaalooyin badan oo Jarmal ah ka dib markii ey qabteen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa. Dhankeeda, Xeer Ilaalinta Guud ayaa Arbacada maanta ah sharaxday in Maxaabiista looga shakisan yahay iney isu diyaarinayeen falal xun-xun, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waxa uu intaasi ku daray in saddexda nin ee la qabtay looga shakisan yahay iney hub iyo rasaas u gudbinayeen Xamaas si ey ugu adeegsadaan dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo xarumaha Israa’iil iyo Yuhuudda ee dalka Jarmalka. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in intii la soo qabanayay laga helay qori AK-47 ah, Bastoolado badan, iyo rasaas aad u badan.
MAWQIFKA ISRA’IIL:
Waxaa xusid mudan in xarigan uu yimid ka dib markii daraasaad uu taageeray xafiiska ka Hortagga Takoorka ee dowladda Federaalka Jarmalka lagu soo gabagabeeyay Talaadadii in Yahuudda ku nool dalkaas iney la il daran yihiin dhibaatadii ka dhalatay weerarkii October 7, 2023, iyo in inta badan ey dareemaan cidlo ama diidmo. Jarmalku waxa uu qayb ahaan hakiyay hubkii uu u dhoofin jiray iyo iibintii Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023, sababo la xiriirta dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Marinka Gaza. Waxay ku baaqday iney lagama maarmaan tahay in Xamaas laga saaro xal kasta ee Mustaqbalka Marinka Gaza ka dib marka uu dhammaado dagaalka.
XIGASHO-AA.