CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ OO DIIDAY IN HUB LAGU HEYSTO GUDAHA MAGAALADDA.
(MUUQAALKA)-CIIDAMADDA CIRAAQ.
(BAGHDAD/IRAQ)-Ciidamada Ciraaq ayaa ku celiyay inaysan jirin cudur daar lagu qaato hubka ka baxsan awoodda dowladda . Xafiiska Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Ciraaq ayaa u caddeeyay Tv-ga caalamaiga ah ee AL-Carabiya Sabtida maanta ah in "aysan jirin wax cudur daar ah oo loo haysto hubka ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda ka dib Sebtembar 30," taariikhda la filayo in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalka. Waxa uu sidoo kale intaas ku daray in ciidanku ay ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa in dalka loo isticmaalo saldhig lagu bartilmaameedsado dalalka deriska la ah.
DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA LAHAYN IYO GENTAALADDA:
Intaa waxaa dheer, wuxuu xaqiijiyay in saddex kooxood oo Ciraaqiyiin ah ay soo dhiibeen hub ka kooban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. Wuxuu tilmaamay in isbahaysiga caalamiga ah uu hadda ciidamadiisa kala baxayo saldhigga Erbil ee gobolka Kurdistan. Marka laga hadlayo xadka Suuriya, wuxuu xaqiijiyay in 100% ay tahay mid ammaan ah oo gebi ahaanba ammaan ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in meelaha xuduudda adag ee Iiraan ay u baahan yihiin shaqo muhiim ah, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Ciraaq, oo uu hoggaamiyo Cali Al-Zaidi, ayaa si isdaba joog ah u xaqiijisay bilihii la soo dhaafay inay ka go'an tahay inay xakameyso hubka dalka, gaar ahaan iyadoo ciidamada isbahaysiga ay ka baxeen dhammaadka bishan. Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale dejiyeen qorshe ama waddo hub ka dhigis ah iyo xallinta buuxda ee arrintan marka la gaaro Juun 2027. Dhanka kale, saddex kooxood oo hubaysan ayaa ka jawaabay baaqii ahaa in hubka la xaddido, kuwaas oo kala ah "Saraya al-Salam" oo ay hoggaaminayeen Muqtada al-Sadr, "Asa'ib AhL AL-Xaq" iyo "Kata'ib AL-Imam Cali" oo uu hoggaaminayay ShibL al-Zaydi, waxayna hubkooda culus ku wareejiyeen dowladda waqti ka hor waxayna ku dhawaaqeen inay ku lug leeyihiin shaqada rayidka. Dhanka kale, shan kooxood, oo kala ah "Dhaqdhaqaaqa Al-Nujaba, Kataib Sayid al-Shuhada, Kata’ib Xizbollah AL-Ciraaq, Saraya Awliya AL-Dam, iyo Ashab AL-Kahf," ayaa diiday inay ka qayb qaataan, iyagoo arrintan ku xiraya ka bixitaanka Mareykanka ee dalka iyo kala dirista ciidamada Peshmerg.
ISHA-AA.