XUUTIYIINTA YEMEN OO SAAKAY WEERARAY MAGAALADDA RIYAAD.

(MUUQAALKA)-BURBUR KA DHASHAY WEERAR.

(RIYAD/KSA)-DEG-DEG:-Difaacyada cirka ee Sacuudiga ayaa qabtay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen magaalada Riyadh subaxnimadii hore ee Sabtida. Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen, Turki AL-Maliki, ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu ay la socdaan hanjabaadaha gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo dirayo boqortooyada. Wuxuu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo diray gobolka Riyadh ay qabteen oo ay burburiyeen difaaca cirka. Xuutiyiinta ayaa dagaallo cusub la galay ciidamada dowladda ee uu Sacuudigu taageero tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalkii sokeeye ee Yemen bishii Luulyo, markaas oo kooxdu ay ku dhawaaqday xayiraad dhanka badda ah oo ay ku soo rogtay Riyadh.

ISHA-AA.

Next
Next

CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ OO DIIDAY IN HUB LAGU HEYSTO GUDAHA MAGAALADDA.