SARKAAL SARE OO CIRAAQI AH OO LAGU DILAY YEMEN.

(MUUQAALKA)-ABU ISXAAQ.

(BABIL/IRAQ)-Ciidamada Abaabulka Dadweynaha ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay Aaska Taliye Yuusuf Yacquub Jaasim, oo lagu naanayso "Abu Isxaaq," kaasoo hayay jagada Kaaliyaha Taliyaha Qaybta Hawlgallada Diyala, ka dib markii lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Yemen. Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay AL-Mashhad AL-Yemeni in Jaasim lagu dilay Yemen ka dib weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah qolalka hawlgallada ee mas'uulka ka ahaa maaraynta dagaallada xeebta galbeed intii lagu jiray iskahorimaadyadii dhawaan dhacay. Ilo-wareedyadu waxay sharraxeen in wareejinta meydka hoggaamiyaha kor ku xusan ay dhacday Sebtembar 20-keedii laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca, oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Xuutiyiinta, iyada oo loo marayo diyaarad ay leedahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo wadata lambarka hagitaanka (RED360). Hogaamiyeyaal badan oo ka tirsan maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa ku sugan Ciraaq waxayna ku shaqeeyaan dalladda kooxaha hubaysan ee Ciraaq ee u dhow Tehran (sida Kata’ib Xizbollah) waxaana si toos ah u kormeera Ilaalada Kacaanka. Aagga Jurf AL-Sakhar ee Gobolka Babil (aag militari oo aad loo xoojiyay oo hoos yimaada maamulka Kata’ib Xizbollah) ayaa noqday xarunta ugu caansan ee hawlgallada Xuutiyiinta gudaha Ciraaq. Hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha Xuutiyiinta ayaa ku wareegaya aqoonsiyo iyo baabuur ay leeyihiin kooxaha Ciraaq (sida Guutada 45aad ee Ciidamada Abaabulka Dadweynaha) si ay u bixiyaan ilaalin, qarin, iyo fududayn dhaqdhaqaaqa. Joogitaanka Xuutiyiinta ee Ciraaq waxaa maamula shabakad hoggaamiyeyaal iyo ergooyin ah, gaar ahaan Abu Idris AL-Sharafi (oo lagu tilmaamo inuu yahay wakiilka ama howlgalka kooxda ee halkaas), marka lagu daro hoggaamiyeyaal kale sida Abu Ali AL-Cizi iyo Maxamed Cabdul-cadiim.

ISHA AL-MASHHAD AL-YEMENI.


Next
Next

GAROONKA DIYAARADAHA NAJAF OO LAGA MAMNUUCAY DIYAARADHA DALKA IRAAN.