YUUSUF DABAGEED OO EEDEYN U SOO JEEDIYEY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.

(MUUQAALKA)-YUUSUF DABAGEED.

(JAWHAR/HSH)-Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay ballan uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle, kaas oo ahaa in beeshu qaadato hoggaanka Hirshabeelle doorashada soo socota. Yuusuf Dabageed oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle ayaa sheegay in guddi uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo ay ku jireen siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad, ay muddo saddex bilood ah ka hor arrintan kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in Xawaadle ay taageereen Hirshabeelle, ayna ballanqaadeen in aysan mucaarad ku noqon dowladda federaalka, iyadoo beddelkeedana laga filayay in beesha loo tixgeliyo hoggaanka maamulka marka ay timaaddo waqtigii isbeddelka. Sida uu sheegay Dabageed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dambe la kulmay xubno ka tirsan guddiga, wuxuuna u sheegay in kursiga madaxweynaha Hirshabeelle la siinayo Xawaadle. Dabageed wuxuu sheegay in saddex bilood kaddib uu madaxweynuhu si gaar gaar ah ula kulmay isaga iyo siyaasiyiin kale, isagoo u sheegay in ballantii Xawaadle uu ka baxay, isla markaana uu kursiga Hirshabeelle siiyay Cali Guudlaawe. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay ku noqotay lama filaan, maadaama uu filayay in Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay masuul si fiican u yaqaan xaaladda Hirshabeelle, uu ilaalin doono ballantii hore. “Waxaan u qabay madaxweyne aan ballankiisa ka bixi doonin,” ayuu yiri Dabageed, isagoo sheegay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu uusan beddeli doonin heshiis uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle. Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in markii uu arrinta kala hadlay madaxweynaha, Xasan Sheekh uu ku adkeystay in ballantii Xawaadle uu ka baxay. “Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan kusoo kala tagnay,” reer abtigay waxba uma hayee kursiga iga nabad-doonee. “Haddaan kasoo helo intaad geenee,” ayaan iri. “Cali Guudlaawe siinaa,” ayuu yiri. Madaxweynaha uma badin,” waxaan iri, “nin yahow, kama nabad-doonayn karo. Nin iga dambeeya oo Xawaadle ah oo ka nabad-doonayn kara inuu jiro u malayn maayo,” ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle. Dabageed ayaa ugu dambayn ugu baaqay beesha Xawaadle inay arrintan si wadajir ah uga tashato, isagoo sheegay in go'aanka laga gaarayo mustaqbalka siyaasadeed ee beesha uu u baahan yahay wada-tashi ay ka qaybqaataan dadka ku nool gudaha Soomaaliya iyo kuwa dibadda jooga. Sida ey sheegayaan dadka u dhuun daloola Doorashadda H/shabeelle waxa ey ahayd mid aad u adag eyna isku hayaan laba beelood aan cid kale kula tartamin Hogaanka sare ee H/shabeele,marka midkood noqdo Madaxweyne kan kale waa Madaxweyne ku Xigeen,sidaas ayeyna hawsha H/shabeele ku soo socotay tan iyo markii la dhisay.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

DAGAAL CULUS OO KA QARXAY DEGMADA BADHAN EE G/SANAAG.

Next
Next

ISRA’IIL OO CADEYSAY MAWQIFKEEDA KU AADAN IN ITOBIYA HESHO MARIN BIYOOD.