DAGAAL CULUS OO KA QARXAY DEGMADA BADHAN EE G/SANAAG.
(MUUQAALKA)-DEGMADA BADHAN.
(BADHAN/SANAAG)-Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya laba beelood oo muddo ku dhow sannad iyo bar uu khilaaf iyo dirir u dhexaysay. Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hub noocyo kala duwan ah, iyadoo madaafiic iyo hub culus laga maqlayay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana jira walaac laga qabo in dagaalku mar kale qarxo haddii aan si degdeg ah loo kala dhexgelin labada dhinac. Colaadda labada dhinac ayaa muddooyinkii dambe ka soo cusboonaatay deegaanno ka tirsan miyiga gobolka Sanaag, iyadoo ay jireen dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka. Hase yeeshee, ilaa hadda ma jirto heshiis rasmi ah oo si buuxda u soo afjaray colaadda. Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa xerada tababarka General Giriin ayaa la sheegay inay dib uga baxeen xeradooda tababarka, ka dib markii ay ka baqeen in ay waxyeello ka soo gaarto dagaallada. Dagaalkaan ayaa kusoo beegmay, xilli halkaasi lagu wado inuu gaaro Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo qorsheynayay inuu safar ku kala bixiyo degaanada bariga gobolka Sanaag. Sida ey soo sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee Badhan beelaha is dagaalay ayaa ka wada tirsan Beesha Warsangeli/Daarood waxa eyna kala yihiin Muxumud iyo Bahogayslabe,dagaalka ayaana ka bilawday Hotel Alley, dhimahsada ilaa hadda waa laba qofood oo shacab ah halka dhaawacana uu yahay laba shacab ah,dagaalkaan ayaa ah mid asal ahaan ka soo billawday degaanka LAASHIMO. LA SOCO.
ISHA-HOL.