(YEMEN)-LABA QOFOOD OO DUMAR SOOMAALIYEED AH OO DAROOGO LAGUA QABTAY.
(SAWIRKA)DUMARKA LA QABTAY.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegayo in maanta oo Isniin iney Ciidamadda Nabad Sugidda dalka Yemen ee ku sugan Gobolka Daalic ey suurtagshay iney ka hortagaan isku day lagu doonaayey in lagu soo geliyo Koonfurta Yemen Maandooriye wax u dhima caqliga Bani’adamka kaaso aad u fara badan,ka dib markii gacanta lagu dhigay laba haween ah kuwaaso Jinsiyadooda lagu sheegay iney Soomaali, waxa eyna maraayeen barta koontarool ee ku taalo degmada Mureysi. Ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in labadaan Maxbuus oo magacyadooda loo soo gaabiyey(S.A.C) iyo (X.X.C.A) ey ka yimaadeen dhinaca magaaladda caasimadda ah ee Sanca oo ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta,waxayna ku sii jeedeen caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan. Sida laga soo xigtay baaritaano hordhac ah,labada dumarka ah ayaa Maandooriyaha ka soo iibsaday magaaladda Sanca iyagoo ujeedkoodu ahaa iney ku iibiyaan magaaladda Cadan,si ey uga faa’iideystaan xaaladda Amni oo ey ugu kala gudbi karaan gobolada dalka Yeman,una hirgashadaan hawlahooda tahriibka Maandooriyaha. Qoraal uu goor hore oo maanta ah uu soo saaray G/Le.Haytam Qaasim Gaanim, oo ah sarkaal dembi baarista u qaabilsan Ciidamadda Nabada Sugida ayaa xaqiijiyey in tirada Maandooriyaha la qabtay ey tahay mid aad u fara badan. Waxa uuna tilmaamay in labada Maxuus ee haweenka ah ey qirteen markii la sameynaayey baaritaanada hordhaca ah,waxa eyna sheegeen iney damacsanaayeen iney daawooyinka qeybiyaan magaaladda Cadan,taaso ka dhigan dembi weyn oo khatar ku ah amniga bulshada iyo caafimaadka bulshada. G/Le.Gaanim ayaa intaa raaciyey in labada Maxbuus loo gudbin doono Xabsiga dhexe ee Sanaaxa inta laga soo dhammeystiraayo nidaamka sharciga ah ee ka dhanka ah iyaga iyo baaritaanada lagu ogaanayo haddii ey jiraanshabakad amaba shaqsiyaad kale oo ku lug leh fal dembiyeedkan. G/Le.Gaanim ayaa carabka ku adkeeyey in laamaha amniga ey si adag ula taacalyaan isku day kasta oo lagu doonaayo in lagu tahriibiyo amaba lagu xayeysiiyo waxyaabaha Maanka Dooriyo ee ka dhaca degaanada uu ka arrimiyo maamulka Dawladda Caalamku Aqoonsan yahay ee Yemen. Dhinaca kale,taliska Cidamadda Nabad Sugida ee Daalic ayaa bogaadiyey kartida askarta ku sugan barta koontarool ee Mureysi ee ah Xuduuda kala qeybisa Koonfurta Yeman iyo Waqooyiga Yemen,taliska ayaa ku amaanay askarta feejignaantooda iyo xirfadooda sare,taaso qeyb ka qaadatay ka hortaga isku dayga iyo fashilinta fursadaha tahriibiyeyaasha. Taliska ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha amniga ee ku sugan xuduudaha iyo isgoysyada gudaha iney sii laba jibaaraan dadaalkooa iyo feejignaantooda si ey uga hortagaan isku day kasta oo liddi ku ah amniga iyo tahriibka,isagoo carabka ku adkeeyey in xasiloonida degaanka Daalic iyo amniga Koonfurta ey yihiin khad guduudan oo aan la carqaladeyn karin. Guushaan aminga ah ayaa ku soo aadeysa xilli ey socdaan olole xoogan ey wadaan Ciidmadda Xasilinta amniga,iyagoo kaashanaayo laamha kale ee amniga,si loola dagalaamo waxyaabaha Maanka Dooriya loogana hortago soo dhexgalka waxyaabaha shakiga ku jiro,iyadoo qorshaha uu yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa cuduradda halista ku ah Amnigeeda iyo isku xirnaanteeda.
ISAHA-WAKAALDDO.