WASIIRADDA QOYSKA IYO XUQUUQUL INSAANKA SOOMAALIYA OO GAARTAY…
(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA.
(DOHA/QATAR)-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb.Khadiija Maxamed Al-MakhzUumi iyo wafdigeeda ayaa maanta waxay booqdeen Maxkamada Qoyska ee Dowladda Qatar. Wasiiradda waxaa maxkamadda kusoo dhaweeyay Dr. Ghaanim bin Thamer AL-Mutref AL-Xumaydi oo ka mid ah Gollaha Adeegga Garsoorka ee Qatar iyadoo Wasiiradda lala wadaagay sida ay u shaqeeyso Maxkamadu iyo sidoo kale qeybaha ay ka kooban tahayba. Wasiiradda iyo wafdigeeda ayaa waxay la yeesheen kulammo balaaran qeybaha kala duwan ee Maxkamadda iyadoo wafdiga lala wadaagay caqabadaha ugu badan ee inta badan la kulmaan maamulka Maxkamaddu iyo sida ay u wajahaan markeey timaado xalinteedu. Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Amb.Khadiija AL-Makhzuumi ayaa la wadaagtay Maamulka Maxkamadda caqabadaha ka jira dalkeena Soomaaliya iyo muhiimadda ay u leedahay in la askumo Maxkamad gaar u ah Arrimaha Qoyska, iyadoo bogaadisay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo in Soomaaliya ay waxbadan kaga dayan doonto dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo aan isku mid ka nahay dhinacyo badan sida diinta iyo dhaqanka intiisa badan. Wasiiradda ayaa gaba gabadii, soo booqatay goobaha lagu qabto dhageeysiga dacwadaha iyo sidoo kale qeyb gaar u ah dhex dhexaadinata qoysaska.
XIGASHO-SNTV.