TOOGASHO EY KU DHINTEEN AFAR QOFOOD OO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-GOOBTA EY TOOGASHADU KA DHACDAY.
(BEAUFORT/SC)-Wararka laga helaayo Gobolka Koonfurta Karolayna ee dalka Marayakanka ayaa sheegaayo in Toogasho ballaaran oo ka dhacday baar ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaalla Jaziirada caanka ah ee South Carolina ayaa sababtay dhimashada Afar qof iyo dhaawaca 20 kale, sida ay saraakiishu sheegeen. Toogashada ayaa subaxnimadii hore ee Axadda ka dhacday Willie's Bar and Grill ee Jasiiradda St. Helena, sida ay saraakiishu sheegeen. Dadweyne aad u fara badan ayaa ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay, waxaana goobta soo gaaray Ku Xigeenada shariifka, waxaana la arkayay dad badan oo dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta. "Dhibanayaal badan iyo marqaatiyaal badan ayaa u cararay meheradaha iyo guryaha ka agdhawaa iyaga oo ka raadsanaya gabaad ay ka galaan rasaasta," Xafiiska Sheriff ee Degmada Beaufort ayaa ku yiri bayaan uu soo dhigay barraha bulshada ee X.“Tani waa dhacdo naxdin leh oo qof walba ku adag, waxaan idinka codsaneynaa samirkiina inta aan sii wadno baaritaanka dhacdadan, fikirkayagu wuxuu la jiraa dhammaan dhibanayaasha iyo eheladooda” ayaa lagu yiri bayaanka. Afar qof ayaa meydkooda laga helay goobta, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 qof oo kale. Dadka dhaawaca ah, ayaa afar ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada deegaanka.Dadka dhintay magacyadooda lama shaacin. Nancy Mace oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa ku qortay barteeda X. "Dhab ahaantii way qalbi jabtay in aan wax ka ogaano toogashadii foosha xumayd ee ka dhacday Degmada Beaufort"
XIGASHO-NPR.