LABA XUBNOOD OO ALSHABAAB AH AYAA LAGU QABTAY DEGMADA AFGOOYE.

(SAWIRKA)-XUBNO ALSHABAAB AH OO LA QABTAY.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ey maanta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda AL-shabaab, kuwaasoo la sheegay iney doonayeen in weeraro ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa labadaan nin ku qabtay barkoontarool oo ku taala degmada Afgooye, kuwaasoo kusii jeeday gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. "Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya iney carqaladeeyaan Amniga iyo xasilloonida Dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya. Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ey dadaal xoogan ugu jiran difaaca dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga qataraha ey kooxdu la damacsan tahay shacabka. Qabashada ragaan ka tirsan AL-shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyadoo deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ciidanka xoogga dalka ka wadaan howgalo ka dhan ah deegaanada ey Gobolkaasi kaga sugan yihiin maleeshiyaadka AL-shabaab. dhinaca kale,Taliska Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) ee Dawlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya(KGS) ayaa maanta soo bandhigay 12-Xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ALshabaab kuwaaso isu soo dhiibay Hayadaha Amniga,Xubnaha isa soo dhiibay ayaa sheegay iney dhibaato xoogan ku qabeen kasoo mid ahaanshaha kooxda Khawaarijta AL-shabaab. War Deg Deg ah,hadda ayey kooxda Khawaarijta ALshabaab waxa ey sheegteen dilka Col.Macallin Cumar Cali oo 60-jir ah,dilka ayaa ka dhacay Waaxda 3-aad ee Siciid Rooraaye ee degmada Dharkinleey ee Gobolka Banaadir. Dilka Korneelka ayaa sida la soo sheegay waxaa fuliyey galabnimadii maanta oo Axad ah laba nin oo ku hubeysnaay Bastoolado, goobtana isaga baxdsaday ka dib markii ey dilka geysteen,arrintaan waxaan weli ka hadlin DFS.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

TOOGASHO EY KU DHINTEEN AFAR QOFOOD OO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.

Next
Next

BOOQASHAD MW-XASAN SHEEKH EE ADDIS MAXAY XAMBAARSAN TAHAY?