BOOQASHAD MW-XASAN SHEEKH EE ADDIS MAXAY XAMBAARSAN TAHAY?

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-ABIY.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta si rasmi ah u gaaray magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo heer sare ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal soomaliya iyo itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay aroonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Ali sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya. Ka dib soo dhoweyntii, labada hoggaan ayaa si toos ah ugu gudbay Qasriga Qaranka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo ey ku yeesheen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah labada dal, gaar ahaan, Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, Kor u qaadista iskaashiga horumarineed, Ixtiraamka wadajirka ah ee Madax-bannaanida, Midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal iyo Xasilinta Gobolka Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa isla meel dhigay baahida loo qabo iskaashi sal adag ku dhisan oo ku dhisan derisnimo wanaagsan dan-wadaag iyo horumar wadajir ah. Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ey jiraan dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labada dhinac ey danaynayaan iskaashi dhanka Amniga, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta, iyo horumarka guud ee Gobolka. Waxaa la filayaa in Madaxda labada dal iney sii wadaan wadahadallo dheeraad ah oo la xiriira mashaariic horumarineed iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada waddan ee dariska ah. Waxaa jiray warar sheegaya in mas'uuliyiintaan ey isla soo hadal qaadi doonaan arrimo ey qeyb ka tahay Jubaland iyo xalka khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulkaasi,sidoo kale waxaa miiska saaran qorshaha Jubaland cusub in la dhiso taas oo ey dowladda Ethiopia ey aad uga walaacsan tahay.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

LABA XUBNOOD OO ALSHABAAB AH AYAA LAGU QABTAY DEGMADA AFGOOYE.

Next
Next

DOORASHADA KAAMERUUN EE MAANTA DHECEYSA YAA KU SOO BIXI DOONO?