DOORASHADA KAAMERUUN EE MAANTA DHECEYSA YAA KU SOO BIXI DOONO?
(SAWIRKA)-PAUL BIYA.
(YAOUNDE/CAMEROON)-Dalka Cameroon ayaa u codeeyay doorasho Axada maanta ah ka dhacday dalkaasi, taasi oo keeni karta in hogaamiyaha Afrika ugu da'da weyn uu xukunka ku kordhiyo todobo sano oo kale. Falanqeeyayaasha ayaa saadaaliyay guul uu gaaro Madaxweyne Paul Biya. Hadda Paul Piya 92-jir, waxa uu noqon doonaa 99 marka uu dhamaysto xilkiisa. Markii ugu horeysay waxa uu xukunka qabtay sanadkii 1982-kii ka dib markii uu iscasilay Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Kameroon Ahmadou Ahidjo, waxaana uu dalkaasi xukumayay tan iyo markaas. Biya ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay todobo doorasho oo xigay. Kameroon waxa ay aragtay laba hogaamiye oo kaliya tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay dalka faransiiska sannadkii 1960-kii. Xaaladiisa caafimaad ayaa ah mid si joogta ah loo hadal hayo maadaama uu inta badan waqtigiisa ku qaato Yurub, isaga oo maalinba maalinta ka dambeysa ka tagaya maamulka iyo mas’uuliyiinta ugu muhiimsan xisbiga iyo xubnaha qoyska. "Marka la eego jawiga caalamiga ah ee sii kordheysa ee adag, caqabadaha nagu wajahan waa kuwo aad u dhib badan," Biya ayaa yiri isagoo ku dhawaaqay tartan kale. "Xaaladdan oo kale, kama dhici karo hadafkayga." Biya ayaa wajahaya sagaal musharrax oo mucaarad ah, oo ay ku jiraan qaar saaxiibo hore ah iyo kuwo la magacaabay . Waxaa ka mid ah Bello Bouba Maigari, oo ahaa Wasiirka dalxiiska, iyo Issa Tchiroma Bakary, oo ilaa dhowaan ahaa Wasiirka shaqada. Biya ayaa ka codeeyay dugsi hoose oo ku yaal caasimadda Yaounde, isagoo u sheegay warfidiyeenka inuusan ka hadli doonin qorshihiisa ilaa natiijada laga soo saaro. Waxaa dalka Kameroon ka dhacay hal wareeg oo codbixin ah, waxaana ku guuleystay qofkii ugu codadka badnaa. Cheukam Ginette, oo ah 34 jir ku xeel dheer deegaanka, ahna markii ugu horreysay ee codbixiye, ayaa sheegtay in aysan dooran doonin Biya. "Arrimuhu waa inay isbedelaan, marka hore, noloshu waa qaali, helitaanka daryeel caafimaad ma fududa," ayay tiri iyada oo ka baxsan goob codbixineed oo ku taal Yaounde. “Wadooyin ma jiraan, meel walba godad ayaanu ku leenahay, wax walba waa baaba’een, waana sababta aan ugu codeeyay mucaaradka, kalsooni kuma qabo nidaamka doorashada, sababtoo ah waan naqaan dalkayaga, laakiin rajo ayaan qabaa. Isku soo bax olole oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada waqooyiga ku taal ee Maroua, Biya ayaa ballan qaaday in isbedel lagu sameyn doono mid ka mid ah meelaha ugu saboolsan Kameroon. Waqooyiga oo ay u badan yihiin Muslimiin ayaa ku dhawaad 20% ka ah codbixiyaasha xaqa u leh, halka Maigari iyo Bakary ay halkaas ka amarqaataan taageerayaal xooggan. Cameroon ayaa wajahaysa xasarado amni oo sii kordhaya. Gobolka galbeedka, waxaa ka socda dagaal gooni-goosad ah oo u dhexeeya gooni-goosadka inta badan ku hadla Ingiriisiga oo sheeganaya in la takooro inta badan dadka ku hadla afka Faransiiska iyo ciidamada dowladda. Dhanka waqooyi, kacdoonka Boko Haram ayaa ka soo qulqulaya dalka deriska la ah ee Nigeria, iyadoo kooxaha hubeysan ay si joogta ah u weeraraan magaalooyinka xuduudka. Ugu yaraan 43% dadku waxay ku nool yihiin faqri iyadoo lagu cabiray heerka nololeed ee aasaasiga ah sida dakhliga, waxbarashada iyo caafimaadka, marka loo eego qiyaasaha Qaramada Midoobay. Ku dhawaad 8 milyan oo codbixiye ah, oo ay ku jiraan in ka badan 34,000 oo dibadda ah, ayaa xaq u leh inay ka codeeyaan in ka badan 31,000 oo goob codbixineed oo ku yaal dalka Afrikada dhexe. Kameroon waxa ku nool in ka badan 29 milyan oo qof, oo badidoodu aad u da'yar yihiin. Goobaha cod bixinta ayaa la filayaa in ay xirmaan 6-da maqribnimo waxaana natiijada la filayaa in ugu dambeyn 26ka Oct.
XIGASHO-AP.