GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY GUDIGA XUQUUQUL INSAANKA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-GUDOONKA.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad Kulankiisa Afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ajendaha kulanka waxa uu ahaa Ansixinta iyo Dhaarinta xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul-Insaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu horeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha shacabka la wadaagtay warbixinta xubnaha Guddiga iyo waaya Aragnimadooda, iyadoo ka codsatay in ay Ansixiyaan. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oo cod u qaaday xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuququl Insaanka, ayaa waxaa ku ogolaatay 142-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin, sida uu sheegay shir guddoonka kulanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyey Ansixinta guddigan oo uu sheegay inuu dalka muhiim u yahay, isagoo tilmaamay in Golaha Shacabka kalfadhiga todobaad uu ka shaqeyn doono meelmarinta Guddiyada Madaxa banaan ee muhiimka u ah dalka iyo dadka.
ISHA-SNTV.