3-DIBLOMAASI OO QADARIYIIN AH OO KU GEERIYODAY SHIL MASAR KA DHACAY MAANTA OO SABTI AH.

(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKA KA DHACAY.

(CAIRO)-Saddex dublamaasiyiin Qadariyiin ah ayaa ku dhintay shil baabuur Sabtidii iyaga oo ku sii jeeday magaala Xeebeedka Sharm EL-Sheekh ee dalka Masar sabtida maanta ah,sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Labo dublamaasi oo kale ayaa ku dhaawacmay ka dib markii gaari ay la socdeen uu kula rogmaday meel 50 KM u jirta magaalada Sharma EL-Sheekh, sida ay saraakiishu sheegeen. Diblamaasiyiintan oo ka socday kooxda Hab-maamuuska Qatar, ayaa u safrayay magaalada ka hor shir Madaxeed heerkiisu sareeyo oo loogu dabaaldegayay Xabbad-joojintii dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ku dhexmaray Gaza, sida ay saraakiishu sheegeen. Saraakiishan ayaa ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, iyadoo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan. Qadar ayaa dhex dhexaadinaysay Xabad joojinta iyadoo ay weheliso Masar iyo Maraykanka Turkiga ayaa sidoo kale ku biiray wada xaajoodkii horaantii bishan ka dhacay magaalada Sharma EL-Sheekh, kaasoo ay ku xirneed Xabbad joojin iyo sii daynta la Haystayaal iyo boqollaal Maxaabiis Falastiiniyiin ah. Sharma EL-Sheekh ayaa martigelin doona shir Madaxeedkan oo ay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha dalka Masar Cabdel-Fataax EL-Sisi iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in in ka badan labaatan Hoggaamiye oo caalami ah, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Raysall Wasaaraha Spain Pedro Sánchez iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ay ka qaybgeli doonaan shirka. Dagaalka Xarkada Xamaas iyo Isra’iil ayaa soo bilawday 7/10/2023-dii waxa uuna hadda galay sannadkiisii seddexaad,dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan ilaa 67-kun oo qofood una badana Dumar iyo Caruur,waxaane ku burburay hanti fara badan,waxaane weli la la’ayahay meydad badan oo labada dhinaca ah.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY GUDIGA XUQUUQUL INSAANKA SOOMAALIYA.

Next
Next

IMAARAATKA OO EY KU CADAATAY INUU SUDAN IYO YEMEN GEEYEY KOLOMBIYAAN.