YEMAN OO QABATAY 55- TAHRIIBE OO AFRIKAAN AH.
(SAWIRKA)-DOONI SIDAY TAHRIIBAYAAL.
(BAB EL MANDAB)-Wararka laga helaayo Gobolka Ticis ee dalka Yemana ayaa sheegaayo in Caadil AL-maxweli, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee guutada 17-aad ee (Giants), ayaa Sabtidii shalay sheegay in ciidamada badda ee guutada koowaad ey u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan dooni mukhalasiin ah oo mareysay Xeebta degmada Bab EL-Mandab, iyadoo ey la socdeen tiro tahriibayaal ah. Afhayeenka guutada ayaa sheegay in doonida ey la socdeen 55-ruux oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasi oo si sharci darro ah uga yimid Geeska Afrika, kuwaasi oo ey maamulaan dadka wax tahriibiya. Waxa uu taliyuhu ku micneeyey in ciidan ka tirsan ciidanka badda ee guutada koowaad ee guutada ey qabteen dooni tahriib ah oo ey gacanta ku dhigeen. Doonta ayaa la geeyey xarunta guud ee ciidanka si loo badbaadiyo. Muhaajiriinta sharci darada ah ayaa intaa ka dib lagu wareejiyay Taliska Ololaha Amniga ee Wadajirka ah ee Agaasinka AL-Mudharaba Ras AL-Caaara si ey uga qaadaan tilaabada sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah kiisaska noocaas ah. Taliyaha guutada Sareeye Guuto Majid AL-Subayxi, ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in si adag oo xoog leh loola tacaalo dhammaan dadka wax tahriibiya meel kasta oo ey joogaan, isagoo bogaadiyay dadaalka ey sameeyeen shaqaalaha iyo saraakiisha guutada, isagoo ugu hambalyeeyay guulaha amniga la gaaray tan iyo bilowgii 2025-ka. iyo kuwa wax iibinaya, fashilinta howlgallada khamriga, iyo soo qabashada mukhalasiinta waxyaabaha qadiimiga ah. Guulahan kala duwan ayaa ka tarjumaya feejignaanta iyo waxtarka guutdu u leedahay ilaalinta Amniga iyo Xasiloonida. Sarreeye Guuto AL-Subayxi waxa uu ugu baaqay dhammaan xubnaha guutadaasi iney ilaashadaan niyadooda sare iyo feejignaan joogto ah, isla markaana ey ka fogaadaan wax kasta oo lagu khalkhal gelinayo Amniga iyo Xasiloonida marin biyoodka Bab EL-Mandab, oo ku dhex yaala masraxa hawlgalka ee guutadaasi.
ISHA-ALAYYAM.