CIIDAMADDA ATMIS OO DEYN KU LEH BEESHA CAALAMKA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ATMIS.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Dalalka ciidamadooda ey ka joogaan Soomaaliya ayaa codsaday in la bixiyo dhaqaale dhan $93.8 Milyan oo ah Mushaarka iyo Kharashaadka la xiriira ciidamadaasi, iyagoo muujiyay niyad jab xooggan oo ey ka qabaan maalgelin la’aanta Howlgalka Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM. Dalalkan, oo ah kuwa loo yaqaan TCCs (Troop Contributing Countries), ayaa ka digay in deymaha is biirsaday ey khatar gelinayaan kalsoonida iyo joogitaanka ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya, xilli aan weli si buuxda loogu wareejin masuuliyadaha howlgalka cusub ee AUSSOM. Sida ey warbixinada muujinayaan, Deymaha la xiriira Mushaaraadka iyo Kharashaadka ciidamada ee lagu leeyahay Howlgalka hore ee ATMIS ayaa gaaraya $93.9 Milyan. Lacagahan ayaa lagu leeyahay muddada u dhaxaysa 2022 ilaa 2024, waxaana ey u kala baxayaan sidan: Dalka Ugandha oo leh $34.5-Milyan, Kenya oo leh $15.7-Milyan, Itoobiya oo leh $17.2-Mlyan, Burundi oo leh $18.1-Milyan iyo dalka Jabuuti oo leh $8.3-Milyan. Quburo dhanka amniga ah ayaa sheegay in deymahan ey saameyn weyn ku yeesheen howlgalka, iyadoo la filayo in arrintan si qoto dheer looga doodo shir dhowaan ka dhici doona magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Shirkaas waxaa isugu imaanaya Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka. Ujeeddada shirka ayaa ah in laga gaaro xal ku saabsan maalgelinta Howlgalka AUSSOM, gaar ahaan ka dib markii Dowladda Mareykanka ey diiday iney maalgeliso, iyadoo kasoo horjeesatay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Ansixiyay, kaasi oo qeexayay habka maalgelinta cusub ee Howlgalka Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM. Qiyaasta Miisaaniyadda AUSSOM ee sannadka Luuliyo-2025 ilaa Juun-2026 ayaa gaareyso ilaa $166.5-Milyan,iyadoo lagu saleynaayo heerka dib u bixinta lacagta ciidamadda ayaa gaareyso ilaa $828-Milyan sida ku cad warbixintii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u gudbiyey Golaha Amaanka ee ku taariikheysneed 7/5/2025-ka. So kastaba ha ahaatee,caqabada maalgelinta waxay ka badan tahay tiradan waxaane ku jira deyn badan oo laga dhaxlay/ka timid ATMIS.
ISHA-WAKAALDO.