PUNTLAND OO QABATAY DOON LAGA LEEYAHAY YEMAN.

(SAWIRKA)-DOONTA MEYMUUN-1.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad goboleedka Puntland een Garawe ayaa sheegaayo iney qabteen 27 kalluumeysato oo Yamaniyiin ah iyo doonidii ey wateen, xilli ey ku guda jireen howlo shaqo. Dawladda Puntland ayaa ku eedeeysay iney si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen Xeebaheeda oo ey ku xad-gudbeen shuruucdii DG Puntland iyo shuruucdii kalluumaysiga ee lagu dhaqmi lahaa. Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa war ey soo saartay shalay oo Sabti ahayd ku sheegtay in markabkan oo lagu magacaabo Maymoon (1) laga leeyahay dalka Yemen, kaasoo ey saarnaayeen (27) kalluumeysato ah oo isugu jiray (26) Yemeni ah iyo hal Soomaali ah, ey ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ey ku qabteen Gobolka Raas Caseyr ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland 14-kii bishan Meey. Waxa ey intaasi ku dartay in markabkan uu ku kalluumaysanayay habka “Hawi” oo si rasmi ah uga mamnuuc ah Puntland, iyadoo xustay in lagu wargeliyay Safaaradda Yemen ee Muqdisho iyo dhammaan Hay’adaha kale oo ey khuseyso. Waxa ey sidoo kale xustay in markabkan uusan lahayn wakiil rasmi ah oo ka diiwaangashan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland, taasoo ka dhigan xadgudub kale oo lagu sameeyay shuruucda Puntland iyo shuruucda kalluumeysiga ee ka dhaqangasha Puntland, Soomaaliya. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka DG Puntlanda,Soomaalia, ayaa xustay in markabkan oo ku sii jira gacanta Ciidamada Ammaanka todobaadkan la horgeyn doono Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Baargaal. Dhankeeda, Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga ee Badda Carabta ayaa sheegtay iney si joogto ah ula xiriirto Madaxda rasmiga ah ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo awaamiirta maamulka deegaanka ee Gobolka Xadarmuut. Ma aha markii ugu horeysay ey Ciidamadda ilaaladda Xeebaha Puntland ey soo qabtaan Doomo laga leeyahay dalka Yeman,kuwaaso si sharci darra ah uga kallumeysanaayo degaanadda Puntland.

ISHA-Q28.

Previous
Previous

YEMAN OO QABATAY 55- TAHRIIBE OO AFRIKAAN AH.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA BAARLAMAANADA EAC.