YAA KU GUULEYSAN DOONO DAGAALKA DG JUBALAND?
(SAWIRKA)-AXMED MADOOBE.
(NAIROBI)-Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacayay maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa ah digniino naxdin leh, kuwaasoo soo bandhigay dildilaacyo ka dhan ah nidaamka Federaalka ee dalka, waxayna abuureen fursad ey kooxda Xagjirka ah ee AL-Shabaab ku guuleysato. Sannado colaado ah ka dib, Soomaaliya waa Federaal dabacsan oo ka kooban shan Dowlad-Goboleed-ku-meel-gaar ah kalana ah “Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed”, kuwaasoo inta badan xiriir aan wanaagsaneyn la leh Dowladda Dhexe ee fadhida caasimadda Muqdisho. Balse ka hor Doorashada sanadka soo socdo ee 2026-ka, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayday in ey gacanta ku dhigto Dowladaha xubnaha ka ah, taasi oo dadka falanqeeya Arrimaha Ammaanka ey sheegeen in AL-Shabaab ey u abuurtay Daldaloolo. Todobaadkii hore ayey ahayd markii labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu dilay iska horimaad dhexmaray ciidamo kala taabacsan dowladda DFS iyo kuwa Jubbaland, maalmo ka dib markii labada dhinac ey ku baaqeen abaabul dagaal. Shan askari oo Soomaali ah ayaa horay uga dhintay bishii Luulyo. Dalka Geeska Afrika ayaa tan iyo bartamihii 2000-aad kula dagaallamayay AL-shabaab, iyadoo hantidooda ey sare u kacday balse hadda ey hoos u dhacday sannadihii lasoo dhaafay. Sannadkan, kooxda xiriirka la leh AL-Qaacida ayaa dib u soo ceshatay magaalooyinka waa-weyn oo horay looga qabsaday.
"Markii dareenka laga weeciyay dagaalka lagula jiro AL-Shabaab oo loo soo jeestay Siyaasadda, waxaa bilaabatay inaan aragno khasaare iyo dib u dhac ku yimaada goobihii dagaalka," Samira Gayid, oo ah falanqeeye dhanka Ammaanka ah ee Geeska Afrika, ayaa u sheegtay AFP. Sida laga soo xigtay Gayid, kooxdu waxay halganka awoodda u adeegsanaysaa "qorasho dagaalyahano." "Runtii cidna uma jecla marka ey dhacdooyinkan oo kale dhacaan," ayay tiri. Dagaalladan khasaaraha badan dhaliyay ayaa muujinaya daciifnimada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ey sheegeen dadka wax falanqeeya. "Ma jirin heshiis Siyaasadeed oo ku filan markii la dhisayey Dowladda Federaalka Soomaaliya 2012-kii, waana sababta keentay inuu halgankan joogtada ah uu ka jiro qaabka Federaalka," ayuu yiri Falanqeeyaha sare ee Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah Cumar Maxamuud. Jubbaland ayaa xiriirka u jartay magaalada Muqdisho sanadkii hore ka dib markii hogaamiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo horey usoo noqday hogaamiye kooxeed tan iyo sanadkii 2012-kii loo doortay mar saddexaad doorashooyin ey Dowlada Dhexe ku tilmaantay “sharci darro”. Amarka lagu soo xirayo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. "Sababta ey tani hadda kor ugu keceyso waayo waxaa socoto doorashada," ayuu yiri Maxamud. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira in sanadka soo socda ey dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah, taasoo uu diidan yahay Madoobe. Gobolka Gedo ee Jubaland oo todobaadkii hore ey dagaallo ka dhaceen ayaa u muuqda mid xasaasi u ah Dowladda Dhexe. Madoobe iyo Maxamuud labaduba “waxay rabaan iney gacanta ku dhigaan Gedo, oo ay sidoo kale u isticmaali karaan inay gacanta ku dhigaan hannaanka Doorashada,” ayuu yiri Maxamuud. Bishii la soo dhaafay, Maxamuud ayaa Madaxii Nabad Sugida Jubbaland u magacaabay Wasiirkii hore ee Amniga Madoobe Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Janan. C/rashiid Janan, oo loo arko inuu yahay dallaal saameyn ku leh Gobolka Gedo, ayaa Qaramada Midoobay horay ugu eedeysay inuu galay xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dagaalladii todobaadkii hore dhacay ka dib ayuu ku dhawaaqay iney la wareegeen magaalo muhiim ah oo ku taalla xuduudka G/Gedo ee Beled Xaawo, isagoo sheegay in maamul cusub loo samayn doono Gobolka. Rabshadahaas ayaa khasaare u geystay shacabka. Tan iyo bishii June, iskahorimaadyada ka dhacay Gobolka Gedo ayaa waxaa ku barakacay 38,000 oo qof gudaha dalka waxayna ku qasbeen 10,200 oo ka tallaabay xadka Kenya, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah. Siyaasadda qabaliga ah ayaa guud ahaan door weyn ku leh Soomaaliya, eyna ka mid tahay Jubaland. “Beesha degta Gobolka Gedo siyaasad ahaan weligood iskuma raacin Hoggaanka Axmed Madoobe,” ayuu yiri falanqeeyaha Arrimaha Amniga Gayid, iyadoo beesha ugu badan ey dareemayso in la takooray. Marka loo eego aragtida dowladda, kala qeybsanaantaasi waxay noqon kartaa qaab lagu rido Madoobe. Balse mucaaradka isaga ka soo horjeeda ayaa sidoo kale kala qeybsan, Dowladda Federaalkana kama heleyso taageero buuxda. Maxamed Jumcaale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Jubaland ayaa ku qanacsan in Muqdisho ey fashilmi doonto. “Waxaan maqlaynaa in Dowladda Federaalka ey isku dayeyso in Gedo ey ku darto inta ka harsan deegaanada ey maamusho Jubaland ka hor inta eysan maamul daacad u ah ka sameysan, ma shaqeyn doonto” ayuu yiri.
XIGASHO-ARAB NEWS.